Aqoon-Korodhsi Ku Saabsan Daryeelka Cashuur-Bixiyaha iyo Xidhiidhka Bulshada

Hargeisa April 4, 2021 (WHM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa shalay tabobar 3 maalmood socon doona u furay saraakiil ka kala socotay xafiisyada cashuuraha-berriga ee Gobolka Maroodijeex.
Tabobarkan ayaa saraakiisha dakhliga gudaha (C/Berriga) lagu bari doonaa casharo ku tacaluqa daryeelka macmiilka (Cashuur-Bixiyaha) iyo Xidhiidhka Bulshadda, si ay Cashuur-bixiyaasha Somaliland u helaan adeeg hufan oo tayo leh, is la markaana kor loogu qaado is fahanka bulshada iyo Wasaaradda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Gurxan ayaa saraakiisha cashuuraha-berriga ee tabobarka qaadanayey u tibaaxay inay lagama maarmaan tahay macaamil fiican oo ay la yeeshaan guud ahaan bulshada gaar ahaana cashuur-bixiyaha ay u adeegayaan, isagoo intaa ku daray inay ka Wasaarad Maaliyad ahaan ka go’an tahay meelmarinta hawshani.
Tabobarada noocan ah ayaa loo qaban doonaa guud ahaan Saraakiisha Cashuuraha iyo Ciidamada Ilaalada Cashuuraha iyadoo laga qaban doono guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka hadii Rabi idmo.

Ugu danbayn, Wasaaradda Maaliyadd JSL waxa ay ka mid tahay Hay’addaha Dowladda kuwooda ugu badan la falgalka bulshada sidaa darteed waxa mar walba naga go’an wanaajinta xidhiidhka aanu la leenahay bulshada sidii aanu dhawr jeer idinla wadaagnay. Hadaba, anagoo taa ka duulayna waxa aanu mudnaanta siinaynaa sanadkan 2021-ka arimahan:
 Toosinta hab-dhaqanka saraakiisha dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha, anagoo hadii Rabi ogolaado tabobaro dheeri ah iyo wacyigalin joogta ahba siin doona, iyada oo aanay meesha ka maqnayn dhiirigalin iyo islaxisaabtan joogto ah.
 Xogsiinta cashuur-bixiyaha si toos ah iyo si dadbanba, anagoo tabobaro iyo aqoon korodhsi u fidindoona cashuur-bixiyayaasha, waxa aanu dhokumentiyo badan ku baahinay mareegta Wasaaradda www.slmof.org taas oo uu cashuur-bixiyuhu gaar ahaan iyo guud ahaan dadweynaha cidii danaynaysaa ka daalacan karaan.
 Waxa aanu yagleelay xafiisyo u darban adeegyada daryeelka macmiilka (Cashuur-bixiyaha), iyadoo cidii cabasho naga qabta, xog doon ah, ama talo noo haysaa nagula soo xidhiidhi karaan markasta xidhiidhadan: Email: [email protected] Landline: 513856 ama Whatsapp No: 657729999, waxa sidoo kale nalagala socon karaa bogaga rasmiga ah ee aanu ku leenahay baraha bulshada sida:
Facebook: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
Twitter: slmofd
Youtube: Wasaaradda H.Maaliyadda JSL
Instegram: sl_mofd

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda Maaliyadda JSL