KULAN-HAWLEEDKA DEJINTA HAB-RAACA WADA-XIDHIIDHKA HAY’ADDAHA DOWLADDA.

Hargeisa 01 April 2021(WHM)-Waxa maanta lagu soo gabogabeeyey magaalada Hargeisa kulan-hawleed labo cisho qaatay oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu, kulankaas oo muhiimadiisa laha waxa uu ujeedkiisu daaranaa Dejinta Hab-raaca Wada-xidhiidhka Hay’addaha Dowladda.
Iyada oo ay Hay’add ama Wasaaradd kastaa leedahay waajibaad gaara oo ay u idmantahay sida uu dhigayo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan Xeer Lr. 71/2015 hadana waxa jirta masuuliyad wadareed ka dhaxaysa, sidaa darteed waa mid lagama maarmaan ah wadashaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dowladda guud ahaan gaar ahaana arimaha la xidhiidha xoojinta xog is dhaafsiga, midaynta arimaha saxaafada iyo wanaajinta xidhiidhka lala yeelanayo bulshada loo adeegayo. Iyadoo taa maanka ku haysa ayey Wasaaradda Warfaafintu soo agaasintay kulan macno weyn ugu fadhiya guud ahaan Hay’addaha Dowladda gaar ahaana masuuliyiinta iyo hawlwadeenada Xafiisyada iyo Waaxaha X/Dadweynaha iyo Xogta, waxana mudadaa labada cisho ah si weyn loogu lafo-guray sidii si wada jir ah loogu wada shaqayn lahaa, ugu danbayntiina waxa lagu dejiyey hab-raaca wada-xidhiidhka xafiisyada Hay’addaha Dowladda.
Ugu danbayn, Wasaaradda Maaliyadd JSL waxa ay ka mid tahay kuwa ugu badan la macaamilka dadweynaha sidaa darteed waxa mar walba naga go’an wanaajinta xidhiidhka aanu la leenahay bulshada, anagoo taa ka duulayna waxa aanu mudnaanta siinaynaa sanadkan 2021-ka arimahan:
 Toosinta hab-dhaqanka saraakiisha dakhliga iyo ciidamada ilaalada cashuuraha, anagoo hadii Rabi ogolaado tabobaro dheeri ah iyo wacyigalin joogta ahba siin doona, iyada oo any meesha ka maqnayn dhiirigalin iyo islaxisaabtan joogto ah.
 Xogsiinta cashuur-bixiyaha si toos ah iyo si dadbanba. Anagoo tabobaro iyo aqoon korodhsi u fidindoona cashuur-bixiyayaasha, waxa aanu dhokumentiyo badan ku baahinay mareegta Wasaaradda www.slmof.org taas oo uu cashuur-bixiyuhu gaar ahaan iyo guud ahaan dadweynaha cidii danaynaysaa ka daalacan karaan.
 Waxa aanu yagleelay xafiisyo u darban adeegyada daryeelka macmiilka (Cashuur-bixiyaha), iyadoo cidii cabasho naga qabta, xog doon ah, ama talo noo haysaa nagula soo xidhiidhi karaan markasta xidhiidhadan: Email: [email protected] Landline: 513856 ama Whatsapp No: 657729999, waxa sidoo kale nalagala socon karaa bogaga rasmiga ah ee aanu ku leenahay baraha bulshada sida:
Facebook: Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL
Twitter: slmofd
Youtube: Wasaaradda H.Maaliyadda JSL
Instegram: sl_mofd

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta Wasaaradda Maaliyadda JSL