Boorama 11 May 2024 [ W.H.M ] Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Xuseen Cismaan ayaa maanta Magaaladda Boorama ka furay Kulan lagaga hadlayey Miisaaniyadda Dawladda iyo Caruurta.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Xuseen Cismaan ayaa maanta Magaaladda Boorama ka furay Kulan lagaga hadlayey Miisaaniyadda Dawladda iyo Caruurta, taas oo lagu falanqeeyey:-

1. Adeeg-bixinta ay caruurtu ka helaan Miisaaniyadda Dawladda.

2. Heerka ay gaadhsiin tahay adeeg-bixinta Miisaaniyadda ee dhinaca Caruurta.

3. Qaybinta khayraadka Dawliga ah, iyadoo la raacayo hab u faai’daynaya caruurta, isla markaana yaraynaya baahiyaha ay qabaan caruurtu.

4. Sidii ay caruurtu u heli lahaayeen Saamiga ugu macquulsan ee wadaagayaasha (Sectors) bixiya adeegyada la xidhiidha baahiyaha caruurta sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo daryeelka.

Sidoo kale kulankaas oo ka qabsoomay Hotelka RAYS ee magaaladda Boorama oo ay si wada jir ah usoo qabanqaabiyeen Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Hay’adda UNICEF ayaa waxa ka soo qaybgalay Maayirada iyo Saraakiil sare oo ka socday Dawladdaha Hoose ee Boorama, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Sheekh, Burco,  Oodwayne, guddi-hoosaadyada Golaha Wakiilada ee guddida dhaqaalaha iyo guddida Arrimaha bulshadda, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Dhinaca kale Maayirka Degmadda Boorama oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa kalmad soo dhawayn ah halkaas kasoo jeediyey.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha Iyo Xogta Ee W/H/M JSL.

🌐  www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧  [email protected]

☎️  9494

Whatsap No: +252-657729999.