Ciyaar xiiso badan oo dhexmartay Naadiga Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo dhigooda Ciidanka Police-ka ee G/Togdheer ee Goodir

Burco 28-Feb-2021 (WHM)- Waxa ay shalay galab ciyaar xiiso-badani magaalada Burco ku dhexmartay Naadiga Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyo dhigooda Ciidanka Police-ka ee G/Togdheer ee Goodir, ciyaar taasi Oo ahayd sideed dhamaadka tartanka kooxaha heerka kowaad waxay guushu raacday Naadiga Wasaarada Horumarinta Maaliyada ee Gobalka Togdheer, sidaasna waxay ugu gudbeen wareega afar dhamaadka.

Waxaanay gabogabadii ciyaartu ku dhamaatay Maaliyada Burco 3 Goodir Burco 1, iyadoo goolasha loo kala dhaliyey sidan:Goolka 1-aad Cali Nuur 11,Goolka 2-aad Cabdiqani Yuyo 23Goolka 3-aad Cabdisamad Cudo 10