Daah-Furka Hanaanka Online-Ka Ee Cashuur-Bixinta Ee Wasaaradda H. Maaliyadu

Hargeisa, 12 Oct, 2020 (WHM) – Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa shalay daah-furtay barnaamij casri ah,kaas oo ay cashuur-bixiyayaashu si online ah ugu bixin doonaan cashuuraha ku waajibay iyagoo jooga goobahooda shaqo, cashuuraha lagu bixin doono hanaanka cusub waa cashuuraha MM/Shaqaalaha iyo cashuurta Iibka adeega iyo badeecadaha.