Hindisaha Qabyo-qoraalka Strategy-yada 2021-2024-ka Ee PFM-ka

Hargiesa 11 Oct, 2020 (WHM) – Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Soo Bandhigtay Hindisaha Qabyo-qoraalka Strategy-yada 2021-2023-ka Ee Hanaanka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Ee PFM-kaWasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa maanta Hotelka Grand Haadi ee Magaaladda Hargeisa kusoo kusoo bandhigtay hindisaha qabyo-qoraalka Strategy-da saddexda sanno 2021-2023 lagu maamuli doono Hanaanka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda dalka ee PFM.Kulankaas ayaa waxa si rasmi ah u furay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Muuse Ibraahin Selef, isla markaana waxa kale oo isaguna madashaasi ka hadlay oo sharaxaad ka bixiyey mihiimada kulankaasi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan.Barnaamijkan dib u habaynta maamulka maaliyadda oo ka kooban tiro mashaariic ah oo is-dhinac socota ayaa waxa ka mid ah mashruuca dib u habaynta maamulka kharashka dawladda oo uu maalgaliyo Baanka Aduunku iyo Dib-u-habaynta Dakhliga Dawladda oo ay gacan ka gaysato hay’adda caalamiga ah ee DFID ee UK.Labadaas mashruuc ayaa waxay ka mid ahaayeen kuwii maanta qabyo-qoraalka qorshaha strategy-yadooda ay maanta soo bandhigtay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.Sidoo kale kulankaas ayaa lagu lagu soo dhigaya qorshaha strategy-yada saddexda sanno 2021 ilaa 2023.Daneeyeyaasha Barnaamijkaas, sida:- Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Dawladda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ee “PAC” iyo Hantidhawrka Guud ee Dawladda.Kulan-Hawleedkan oo socon doona muddo saddex cisho ah, waxa lagu lafa-guri doonaa, isla markaana wax ka bedel iyo kaabis lagu samayn doonaa hindisaha qabyo-qoraalka Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka, waxaana ka qaybqaadanaya tiro khubaro ah, farsamo-yaqaano iyo la taliyayaal, iyadoo la rajaynayo marka la eego sida xooga loo saaray inuu kasoo bixi doono qorshe strategy-yadeed oo wax ku ool ah.Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.