Gorfaynta Siyaasada Maaraynta Lacagaha Naqadka (Cash) ah, Hagaha Kharash-Bixinta Dowladda iyo Habraaca Xisaabaaadka Guud.


Hargeisa 23 June, 2021(WHM)-Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Salaf ayaa maanta magaalada Hargeisa ka furay kulan-hawleed laba cisho socon doona oo lagu gorfayn doono arimahan:
1) Siyaasada Maaraynta Lacagaha Naqadka ah 2) Hagaha Kharash-Bixinta Dowladda
3) Habraaca shaqo ee Xisaabaadka iyo Maaraynta Maaliyadda Dowladda iyo waliba Sumadaha xisaabaadka.
Kulan-hawleedkan oo ay ka soo qayb-galeen saraakiil ka kala socday Xisaabaadka guud, Waaxda Miisaaniyada, Hanti-Dhawrka Guud, Hanti-Dhawrka Gudaha Wasaaradda H. Maaliyadda, iyo Agaasimayaasha Maamulka Lacagta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda ee ku shaqada leh, waxana kalmadahoodii furitaanka ka jeediyey madasha Wasiir-Xgeenka Maaliyadda Md. Muuse Ibraahin Selef, Xidhiidhiyaha Mashruuca dib-u- habaynta maamulka maaliyadda ee PFM Xasan Faarax Maxamed iyo Ku-Xigeenka Xisaabiyaha Guud Kayse Maxamed Cabdilaahi, iyagoo dhamaan carabka ku adkeeyey muhiimada ay leedahay hawshani is la jeerkaasna lagama maarmaan ay tahay in si wax ku ool nimo leh looga baaraandego.
Ugudanbayna, Barnaamijkan Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda JSL ayaa mudadii uu socday wax weyn ka qabtay banaan-yaalnimada iyo isla xisaabtanka iyadoo ay maanta dhamaan Hay’addaha Dowladdu u adeegsadaan kharash-bixinta hab casri ah oo is-wada is la markaana online ah, taas oo u sahlaysa Hay’addaha Baadhistu inay si fudud ula socan karaan dhaqdhaqaaqooda.
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
? www.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999