Guddida Diyaarinta Siyaasada Miisaaniyada Dowladda Ayaa Maanta kulan-koodii u Horeeyey Ka Yeeshay Miisaaniyad-Sanadeedka 2022-ka.

Hargeisa 20 June,2021 (WHM)-Sida uu dhigayo jadwalka miisaaniyadu Guddida Diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa maanta kulan-koodii u horeeyey ka yeeshay Miisaaniyad-Sanadeedka 2022, kulankan maanta ayaa si wayn diirada loogu saaray talaabada koowaad ee diyaarinta miisaaniyadda taasoo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Waaxdeeda dhaqaalaha iyo qorshayntu usoo bandhigtay guddida xaashida guudmarka miisaaniyadda (Budget out look paper), taas oo laga dheehanayo heerka dhaqaalaha guud ee wadanka iyo siyaasadaha ku aadan cashhuuraha.

Kulanka oo uu shirgudoominayey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire waxa kasoo qayb-galey Wasiiradda Xanaanada Xoolaha, Biyaha, Caafimaadka, Maalgashiga, Isgaadhsiinta, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, madaxda waaxaha miisaaniyada, dhaqaalaha iyo xidhiidhka dadwaynaha ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

kulankan ayaa intii uu socday waxa ay Guddida siyaasada miisaaniyadu si wayn ugu falanqeeyeen meelaha mudnaanta la siin doono Miisaaniyad sanadeedka 2022-ka, iyagoo u balamay kulamo kale si looga baaraan dego meelaha mihiimada u leh guud ahaan Qaranka.

Ugu danbayn, kulankan oo ah bar-bilowga diyaarinta Miisaaniyadda Dowladda sanadka soo socda hadii Rabi ogolaado, waa mid muhiimadiisa leh waxana xigi doona kulmo lala yeelan doono daneeyayaasha kale ee Miisaaniyadda oo ay ku jiraan bulshada rayidka ahi.

                       =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

Website: www.slmof.org
[email protected]
Landline: 513856
Whatsap No: +252-657729999