Hargeisa 02 Oct, 2022 [WHM] Guddiga Madaxa-Banaan Ee Dacwaddaha-Cashuuraha Somaliland oo Qaraar Taariikhi Ah Ka Soo Saaray Dacwad u Dhaxaysay Muwaadiniin Ganacsato Ah iyo Wasaaraddaha Ganacsiga Iyo Isgaadhsiinta JSL.



Hargeisa 02 Oct, 2022 [WHM]-Guddida Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha heer qaran oo xilka loo dhaariyey 23 June,2020 waa guddi madax-banaan sida uu jidaynayo Xeer ka Guud ee Dakhliga JSL Xeer Lr. 72/2016, qaybtiisa 6aad qodobadiisa 109aad ilaa 249aad oo lala akhrinayo Xeerka Kastamada Xeer Lr. 73/2016 qodobkiisa 205aad.

Waxaanay guddidani ka garnaqdaa dacwaddaha idaariga ah ee la xidhiidha cashuuraha Dalka guud ahaan, waana halka uu u racfaan qaato cashuur-bixiyaha ku qanci waaya go’aan cashuureed oo lagu soo rogay.

Ku dhiirashada yagleelida Guddiga-Dacwaddaha Cashuuraha Somaliland ayaa ka mid ahayd talaabooyinka xusida mudan ee loo qaaday dhinaca mabaadi’da maamul-wanaaga ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, taas oo uu suurtogaliyey Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee ay socodsiintiisa laf-dhabarka u tahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.

Hadaba, guddigan oo mudo kooban jirtay waxa ka mid ah go’aamada wax-ku-oolka ah ee ka soo baxay ilaa hada, mid ay soo saartay shalay oo ay taariikhdu ahayd 1/10/2022, kaas oo ku saabsanaa gal-dacwadeed u dhexeeyay muwaadiniin cashuur-bixiyeyaal ganacsato ah oo ka cabanayey cashuur/ajuuro liisan ganacsi oo isku mid ah inay ku xidheen labbada wasaaradood ee kala ah; Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Tiknoolajiyadda.

Waxa aananu halkan hoose idiinku soo lifaaqnay nuxurka qoraalka go’aankaasi oo ka koobnaa 19 bog, ayna ku saxeexanyihiin xubnihii guddida ee ka soo saartay qaraarka dacwaddaa u dhaxaysay labadaa dhinac ee aynu sare ku soo sheegnay.

                  =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
WhatsAp No: + 252-657729999