Hargeisa 22 Sept, 2022 {WHM} Wasaaradda H. Maaliyadda oo Tabobar usoo xidhay 70 Qasnaji oo ka kala socday Xafiisyada C/Berriga

Hargeisa 22 Sept, 2022 {WHM} – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda ayaa tabobar u soo xidhay 70 Qasnaji oo ka kala socday Xafiisyada C/Berriga ee Degmooyinka iyo Laamaha Magaalada Hargeisa, waxaanu tabobarkaasi ku saabsanaa Cashuurta Moorka (Tigidhada) iyo Hagaha Khasnajiyada.

Tobobarkan oo saraakiisha ka qayb qaadanaysay badi ahaayeen dumar/haween waxa uu u socday muddo labbo maalmood ah, waxanay ujeedadiisu daaranayd sidii kor loogu qaadi lahaa guud ahaan xirfaddooda shaqo ee qasnajinimo, gaar ahaana cashuurta moorka/tigidha iyo dhukumentiyada ay ku waajibayso ee lagu ladho cashuurtani oo ah mid xadigeedu aad u yar yahay.

Waxa sanadihii ugu danbeeyey wax weyn laga badelay hanaanka qabashada cashuuraha-gudaha, iyada oo hada guud ahaan Xafiisyada Cashuuraha-Berriga Dalku lacagta cashuurta ku qabtaan hanaan electronic ah, si loogu eexeeyo/daneeyo cashuur-bixiyaha gudashada waajibaadkiisa cashuurbixineed, is la jeerkaasna si kor loogu qaado daah-furnaanta iyo badqabka dakhliga Dawladda iyo waliba hore-u-dhigista habsami u socodka hawlaha dakhli ururinta oo ah runtii hawl aan sahlanayn.

Waxa sidoo kale tabobaro is-dabo-joog ah loo qabanayey hawl-wadeenada Cashuuraha-Berriga iyo Ciidamada Ilaalada Cashuuraha, tabobaradaas oo ay uugu mudnaayeen kuwo ku saabsanaa Daryeelka Macmiilka ama Cashuur-Bixiyaha gaar ahaan iyo guud ahaan toosinta hab-dhaqanka xidhiidhka bulshada, iyada oo la yagleelay Xafiisyada Daryeelka Macmiilka ee Waaxaha Dakhliga iyo Xidhiidhka-Dadweynaha.

               =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999