Hargeisa 09 August, 2022 [WHM]- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland oo Jaamacaddaha U Soo Bandhigtay Hagaha Nidaamka Maamul ee Cashuuraha Dalka.


Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay kulan-hawleedkii labaad ee Jaamacaddaha iyo Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo wajigiisan 2aad lagu soo bandhigayey Hagaha Nidaamka Maamul ee Cashuuraha Dalka.

Waxaana ka soo qaybgalay Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Sayniska, Agaasimaha Guud ee Tacliinta-Sare, masuuliyiinta Jaamacaddaha Dalka, qaar ka mid ah Agaasimayaasha waaxaha Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Waxbarshada iyo xubno kale.
Buugan Hagaha Hanaanka maamul ee Cashuuraha Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay in mudo ah ku hawlanayd diyaarintiisa Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu, waxa lagu dabaqi doonaa manhajka waxbarasho ee Jaamacaddaha Dalka, gaar ahaan maadooyinka xidhiidhka la leh maaliyadda iyo xisaabaadka. Waxaana looga golleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka da’yarta ka soo baxaysa Jaamacaddaha ee xogta guud ahaan cashuuraha, maadaama ay yihiin cashuur-bixiyaha mustaqbalka.

Sida ku cad Istiraatijayadda Qaran ee Cashuuraha Somaliland oo dhawaan uun la dejiyey, hawshu ku ekaanmayso kaliya Waxbarshada-sare, balse waxa qorshaha ku jirta in guud ahaan manhajka waxbarasho heerarkiisa kala duwan lagu dabaqo hagahan, si bari loo helo muwaadin laylyan, kana dhisan xog-ogogaalnimada ku aaden hanaanka maamul ee cashuuraha Dalkiisa.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta
: Slmof.org/Som.slmof.org
: [email protected]
: 513856
Whatsapp: +252657729999