05/08/2023 (WHM) Kulanka Wadatashiga Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyo Bulshada Rayidka ah ee diyaarinta miisaaniyadda Dawladda Ee Sanadka 2023-ka.

Hargeisa 05/08/2023 (WHM) – Waxa habeenkii xalay ahaa Jaamcadda Hargeisa ka dhacay kulan muhiimadiisa lahaa kaas oo ay si weyn u soo agaasintay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. Kulankan oo ah sanadle ah ayaa waxa lagu soo casuumay xubno ka kala socday qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada-Rayidka ah ee Somaliland, iyada oo ay kulankaas ujeedadiisu daaranayd sidii ay Bulshada-Rayidka ahi door ugu yeelan lahayd diyaarinta miisaaniyadda dawladda, sida uu dhigayo xeerka maamulka maaliyadda ee Xeer Lr. 75/2016, is la markaana ku cad kal-tirsiga (Calendar) ama jadwalka loo raaco diyaarinta Miisaaniyadda dawladda.

Kulankaas ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan iyo waliba Agaasimayaasha waaxaha Miisaaniyadda, Dakhliga ee Kastamada iyo Cashuuraha Berriga, Xidhiidhka-Dadweynaha, Dhaqaalaha iyo saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Yaasiin Ducaale Barre ayaa madashaasi ka jeediyey Warbixin (Presentation) ka hadlaysay miisaaniyadda dowladda iyo marxaladaha ay marto, kaas oo bulshadda u iftiimiyey meelaha ay mudnaanta siinayso miisaaniyaddu.

Kulankaas oo qaatay saacado badan ayaa waxa intii uu socday la is ku waydaarsaday afkaaro iyo soo-jeedimo dhaxal gal ah iyo su’aalo ku tacaluqa miisaaniyadii hore iyo miisaaniyadda sanadka danbaba, kuwaas oo ay dhamaantood madaxda sare ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu si hufan uga warceliyeen, isla markaa balanqaadeen in soo-jeedimaha bulshadda rayidka ahi ay ka muuqan doona hadii Alle ogolaado Miisaaniyada sanadka 2023-ka inta suurtagalka ah, iyagoo ka soo qaybgalayaashii kulankaas madaxda wasaaradda horumarinta maaliyadda ku bogaadiyey sida ay u weeleeyeen talooyinkoodii labadii sano ee hore ee 2021 iyo 2022-kii, iyaga oo islamarkaana ka markhaati kacay in qaybo ka mid ahi ka muuqdaan miisaaniyadda sanadkan aynu ku jirno ee 2022-ka.

Dhinaca kale madaxda sare ee wasaaradda ayaa iyaguna halkaasi kaga jawaabay waydiimo badan oo ururada bulshadda rayidka ahi ka warsadeen, halka ay dhinacoodana masuuliyiinta wasaaraddu balan-qaadeen in tallooyinkooda ay xisaabta ku darsan doonaan kuna salayn doonaan intii suurtagal ah diyaarinta odoroska miisaaniyadda Dawladda sanadka danbe ee 2023-ka inta aan loo gudbin daneeyayaasha kale ee miisaaniyadda hadii Rabi ogolaado.

Ugu danbayn, kulankani oo sanad walba xiligan oo kale la qabto ayaa muujinaya bisaylka iyo daahfurnaanta nidaamka dawladda Somaliland gaar ahaan wasaaradda horumarinta maaliyadda, taas oo iyadu dawladda ugu xilsaaran diyaarinta miisaaniyadda, dakhli soo saarka iyo waliba maaraynta kharash-bixinta, isla markaana ka dhigan talaabo hore loogu qaaday dhinaca maamul-wanaaga, daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’addaha dawladda iyo bulshada.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: [email protected]

☎️: 513856

Whatsapp: +252657729999