Hargeisa 13 August,2022 [WHM] Wafti Ka Socda Jamhuuriyadda Sierra-Leon Oo Safar-Shaqo Ku Yimid Dalka.


Hargeisa 13 August,2022 [WHM]- Wafti ka socda Jamhuuriyadda ku taal galbeedka fog ee Africa ee Seirra-Leon ayaa sideedii bishan Somaliland ku yimid safar-shaqo, waxaana markii ay ka soo degeen Madaarka caalamiga ah ee Hargeisa si diiran u qaabilay saraakiil-sare oo ka tirsan Wasaaradda H. Maaliyadda, xubnaha waftigan dalka yimid oo ka kooban 14 xubnood waxa hogaaminaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Sierra-Leon Md. Samuel E. B. Momoh, waxaanay is kugu jiraan qaybaha kala duwan ee Maaliyadda Dalkaasi.

Ujeedada safarkooda ayaa ahayd sidii ay wax uga baran lahaayeen adeegsiga hanaanka is-wada ee Maaraynta Maamulka Maaliyadda ee IFMIS-ka, kaas oo Somaliland si fiican uuga dhaqangalay, oo ay hada dhamaan Hay’addaha Dawladdu u adeegsadaan bixinta kharashka iyo xarayta dakhligaba.
Waftigan oo Dalka joogay mudo todobaad ku dhaw, waxa soo dhaweynta imaatinkooda ka dib xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, wasiirku waxa uu weftiga sharaxaad ka siiyey barnaamijkan iyo heerarkii uu soo maray, sida ay wasaaraddu u shaqayso iyo arrimaha guud ee dhaqaalaha dalka ee wakhtigan, qorshahooda mustaqbalka wasaarad ahaan iyo guud ahaan dalka, caqabadaha iyo fursadaha jira.
Waxaanay intii ay ku gudo-jireen safarkooda wax-barasho kulamo la qaateen Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda iyo daneeyayaasha kale ee hirgalinta iyo adeegsiga hanaanka is-wada ee Maaraynta Xogta Maamulka Maaliyadda oo loo soo gaabiyo FMIS {Financial Management Information System}. Waxa ay sidoo kale safaro shaqo oo la xidhiidha ujeedada safarkooda ku tageen magaalada Berbera, iyaga oo kulamo la qaatay masuuliyiinta Dawladda-Hoose ee Degmada Berbera, oo ka mid ah meelaha sida fiican uu uga dhaqan-galay hanaankan cusub ee IFMIS-ku, waxa sidoo kale ka mid ahaa meelaha ay booqdeen waftigu Marsada Caalamiga ah ee Berbera, halkaasi oo ay Maamulka Dekedda iyo shirkadda DP World war-bixin ku siiyeen.

Hirgalinta mashruucan Hanaanka Is-Wada ee Maaraynta Xogta Maamulka Maaliyadda ee FMIS oo ay hormuud ka ahayd Wasaaradda Maaliyaddu, waxa uu qayb ka yahay talaabooyin tiro badan oo lagu horumarinayey habsami-u-socodka shaqo ee maamulka maaliyadda Dalka, kuwaas oo ay Wasaaraddu soo kordhisay guud ahaan intii uu socday Barnaamijka Dib-U-Habaynta ee PFM, waxaanay taabo-gal noqotay hirgalintiisu laga soo bilaabo sanadkii 2018-ka, iyada oo ay hada si buuxda u adeegsada dhamaan Hay’addaha Dawladda-dhexe, waxaana hada loo gudbiyey Hay’addaha Madaxa-Banaan iyo Dawladdaha-Hoose, iyada oo loo adeegsado diyaarinta Miisaaniyadda, bixinta kharashaadka, xaraynta dakhliga, iibka, bixinta qanadaraasyada, baadhista, xisaab-xidhka iyo arimo kale oo la hal-maala. Waa hanaan online-ah oo is-wada, waxaanu adeegsigiisu fududeeyey shaqadii maamulka maaliyadda guud ahaan, hadii ay tahay helitaanka war-bixinta wakhti hore, baadhista iyo kuwo la hal-maala.
Ugu danbaytiina, masuuliyiinta Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa xaflad Sagootis ah u qabtay waftiga iyada oo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan uu xubhnaha waftiga gudoonsiiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland, Xog-Sidaha Somaliland [Somaliland Profile] iyo agab kale oo ay ku xardhantahay sumadda ama astaanta qaranku.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta
: Slmof.org/Som.slmof.org
: [email protected]
: 513856
Whatsapp: +252657729999