Hargeisa 17 August, 2022 (WHM) Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Oo Soo Xidhay Kulan-hawleedkii Xog-wadaaga, Qiimaynta iyo Abaal-marinta Waaxaha Dakhliga iyo Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Lix-biloodka January-June Ee 2022.

Hargeisa 17 August, 2022 (WHM) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeisa kusoo xidhay Kulan-hawleed lix-biloodle ah, kaas oo lagu qiimaynayey guud hawl-qabadka Xafiisyada Dakhliga iyo Xisaabaadka, gaar ahaan bartilmaameedkoodii dakhli ee lix-biloodkii hore. Waxaana wajigiisii kowaad war-bixino lagaga dhagaystay maamulayaasha Xafiisyada dakhliga ee C/Berriga, Kastamada iyo sidoo kale Xisaabiyaaasha Gobolada.
Kulan-hawleedkan xog-wadaaga, qiimaynta iyo abaal-marinta Waaxaha Dakhliga iyo Xafiiska Xisaabaadka Guud oo sanadkiiba laba jeer la qabto, waxa ay ujeedadiisu daarantahay sidii loo kala ogaan lahaa kan gaadhay ku-talo-galka odoroskii dakhli ee u yaalay iyo kan ka gaabiyey, asbaabaha keenay hoos u dhaca ama kor u kaca, caqabaddaha iyo fursaddaha jira.
Waxa intii kulan hawleedku socday ay masuuliyiinta xafiisyada dakhliga iyo xisaabiyeyaasha goboladu la wadaageen masuuliyiinta sare ee wasaaradda war-bixino ku saabsan hawl-qabadkoodii oo Lix-biloodle ah, iyaga oo gunaanadkii munaasabaddana soo jeediyey wixii ay talooyin ama weydiimo qabeen, maadaama ay yihiin wakiilada Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u jooga gobolada iyo degmooyinka Dalka.
Waxaana xusid mudan, in wadarta guud ee dakhligii dhabta ahaa ee Lix-biloodka hore ee sanadkan 2022-ka ee January-June la gaadhay 94% yoolkii dakhli, halka yoolkii kharash ee qorshaysnaa la bixiyey 88%. Iyada oo sida aynu ka war-qabno ay jiraan duruufo iyo culaysyo dhaqaale, haday yihiin kuwo aynu dunida kala simanahay iyo kuwo inoo gaara ahiba e.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa xidhitaankii munaasabadda u jeediyey Madaxda Xafiisyada Dakhliga iyo Xisaabiyeyaasha Gobolada hadalo dar-daaran iyo dhiirigalin isugu jira, iyada oo ugu danbayntiina la gudoonsiiyey abaal-marino, gaar ahaan kuwa gaadhay amaba dhaafay bar-tilmaameedkii loo asteeyey.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org/ www.som.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999.