Hargeisa 16 December, 2023 {WHM} -Munaasabadda Xil-Wareejinta Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL

Munaasabadda Xil-Wareejinta Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL

………………………………………………………………………………………

Hargeisa 16 December, 2023 {WHM} – Munaasabad loo soo agaasimay si heer-sare ah ayaa ka qabsoontay hall-ka shirarka Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda, halkaasi oo ay xilka kula kala wareegayeen Wasiir-Xigeenkii hore ee Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Wasiir-Xigeenka dhawaantan loo soo magaacabay Wasaaradda Md. Saleebaan Jaamac Diiriye.

Wasiir-Xigeenkii hore Amb. Rooda Jaamac Cilmi ayaa ahayd Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL mudo labo sano iyo jarjar ah, kadib markii ay jagadan la wareegtay 9-kii September, 2021, iyada oo muujisay dedaal mudadii ay jagadan haysay, iyada oo noqonaysa gabadhii labaad ee xil wasiir ka qabata Wasaaradda Masaliyadda. Geesta kale Wasiir-xigeenka cusub ee jagada kala wareegay ayaa hore u soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda.

Munaasabaddan xil-wareejinta ayey goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Dauud Geedi iyo masuuliyiinta Waaxaha Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo hadal sagootis iyo dardaaran is kugu jira ka jeediyey munaasadda xil-wareejinta ayaa yidhi sidan:

Intii aanu wada shaqaynaynay Wasiir Rooda Jaamac Cilmi waxa aan uuga mahad celinayaa xilkasnimadii, shaqo-wanaagii, kartidii iyo akhlaaqdii ay nagula shaqaysay, wali maan arag Wasiirkaas oo cadhoonaya ama cabanaysa, sidoo kale maan arag cid wax ka sheeganaysa oo ka cabanaysa, wali cid iimay keenin ay iga wastaynayso sida dhaqanka somaalida lagu yaqaano, taasi waxa ay muujinaysaa shaqsiyad wanaagsan. Wasaaraddu ma shaqayso galinka hore oo qudha, waxa ay shaqaysaa subixii, galabtii, habeenkii,goob shaqo oo looga baahnaa xiligay doonto ha ahaatee oo aanay ka soo xaadirin ma jirto runtii, mar ay fasax ku maqantahay mooyaane. Wasiirku imikana waxa ay tagaysaa Wasaarad ay hore uuga soo shaqaysay oo ay runtii gacan weyn ka gaysatay sidii aqoonsi iyo ictiraaf looga raadin lahaa caalamka, waxaanan ku kalsoonahay inay ka midho dhalin doonto shaqadaa, dareenka maanta aniga iyo bahda Maaliyaddu waa dareen ah inuu naga tagay qof saaxiib-shaqo oo wanaagsani oo kale weeye dareenku runtii maanta, haseyeeshee waanu sagootiyeynaa waananu u ducaynaynaa in illaahay sw u fududeeyo hawsha cusub ee loo igmaday. Waxa aanu soo dhaweynaynaa Wasiir-Xigeenka cusub ee Wasaaradda loo soo magacaabay Md. Saleebaan Jaamac Diiriye, Wasiirku kuma cusba Wasaaradda, dadkeeda iyo shaqadeedaba wuu yaqaanaa, Wasiir waanu kugu soo dhaweynaynaa Wasaaradda adigana sidoo kale waanu kuu ducaynaynaa  illaahay sw ha kuu fududeeyo hawsha, Wasiir intii aad ka sii maqnayd shaqada Wasaaradda kolay wax weyn ayaa is ka badelay shaqaalaheeda, agabkeeda iyo shaqadeedaba, laakiin waxaan wali is badalin mid kaliya, Wasaaraddani waa ta u xilsaaran dakhli-ururinta, markaa kaasi sidiisii weeye.

Barigii kuugu danbaysay Miisaaniyaddu aad ayey uuga yarayd inta ay maanta tahay, taasi micnaheedu waxa weeyi waxa loo baahanyahay in lala yimaado dedaal intii hore ka badan si loo daboolo dakhligii la odoroosay, insha Allaah waanu inoo soo bixi doonaa, markaa ku soo dhawoow Wasaaradda mar kale, imikana waxaan doonayaa inaan iidiin kala wareejiyo xilka oo aad agtayda isa soo taagtaan labadiinuba”.

=Wabilaahi Tawfiiq=

 Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

🌐 www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧 [email protected]

☎ 9494

WhatsApp No: + 252-657729999