Hargeisa 08 Nov, 2023 [WHM]-Masuuliyiinta-Sare Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Cusub Ee Guddiga Madaxa-Banaan Ee Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha Somaliland.

Masuuliyiinta-Sare Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Cusub Ee Guddiga Madaxa-Banaan Ee Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha Somaliland.
……………………………………………………………..
Hargeisa 08 Nov, 2023 [WHM]- Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Amb. Rooda Jaamac Cilmi oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubnihii dhawaan ku guulaystay inay buuxiyaan jagadii ay baneeyeen Gudiddii hore ee Ka Garnaqa Dacwaddaha Cashuuraha.

Guddida Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha heer qaran oo ah guddi madax-banaan waxa xubnaha jagada baneeyey xilka loo dhaariyey 23 June,2020, iyaga oo xilkaasi hayey mudo sadex sano ah sida uu xeerku dhigayo.

Aasaasida Gudiddan waxa jideynaya Xeer ka Guud ee Dakhliga JSL Xeer Lr. 72/2016, qaybtiisa 6-aad qodobadiisa 109-aad ilaa 249-aad oo lala akhrinayo Xeerka Kastamada Xeer Lr. 73/2016 qodobkiisa 205-aad.

Waxaanay guddidani ka garnaqdaa dacwaddaha idaariga ah ee la xidhiidha cashuuraha Dalka guud ahaan, waana halka uu u racfaan qaato cashuur-bixiyaha ku qanci waaya go’aan cashuureed oo lagu soo rogay.

Ku dhiirashada yagleelida Guddiga-Dacwaddaha Cashuuraha Somaliland ayaa ka mid ahayd talaabooyinka xusida mudan ee loo qaaday dhinaca hirgalinta mabaadi’da maamul-wanaaga ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, taas oo qayb ka ahayd Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee ay socodsiintiisa laf-dhabarka u tahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu.

                  =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 9494
WhatsAp No: + 252-657729999