Hargeisa 29 Dec, 2022 Wasaaradda H.Maaliyadda JSL Oo Maamuustay 31-kii Cashuur-Bixiye Ee Uugu Wanaagsanaa Sanadka 2022-ka

Hargeisa 29 Dec, 2022 (WHM) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa abaal-marino gudoonsiisay 31 xubnood oo loo aqoonsaday cashuur-bixiyayaashii uugu wanaagsanaa 2022-ka.
Munaasabadda abaal-marinta ah oo ka qabsoontay magaalada hargeisa, ayaa lagu abaal-mariyey 31 cashuur-bixiye oo ku soo baxay liiska cashuur-bixiyaha wanaagsan ee sanadka, kuwaa oo ka kala yimid guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Dalka, iyadoo laga soo kala xulay ganacsatada heerarkooda kala duwan, isla markaana xulistooda loo raacay miqyaasyada iyo habraacyada u yaala xeerka guud ee cashuuraha Somaliland.


Munaasabadda abaal-marinta Cashuur-Bixiyaha wanaagsan oo ah sanadle waxa la bilaabay sanadkii 2020-ka, waana doorkii sedexaad oo si xidhiidh ah loo qabto. Waxaana looga golleeyahay si loo maamuuso, loona dhiirigaliyo cashuur-bixiyaha sida buuxda u gutay waajibaadkiisii cashuur-bixineed, waana talaabo ku dayasho u ah guulaystaha beri.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan oo bilawgii munaasabadda ka hadlayey ayaa yidhi “Munaasabaddani gaar uma aha 31-kan cashuur-bixiye oo kaliya, balse waa mid aynu si guud uugu mahadcelinayno dhamaan cashuur-bixiyaasha Somaliland, si gaar ahna aynu uugu maamuusayno kuwii uugu sareeyey liiska ee dabaqay ama si buuxda u raacay tilmaamaha Xeerka Dakhliga iyo Siyaasadda Cashuuraha-Berriga”.
Waxaana kalmaddii furitaanka halkaa ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyada oo ay ka mid ahaayeen hal-muceedkii qudbadiisa “31 Cashuur-bixiye ayaa caawa munaasabaddan lagu xusayaa, taa macnaheedu maaha inaanay jirin cashuur-bixiyaal kale oo u qalma, wey jiraan, way badanyihiin, waanay mahadsanyiin”
=Wabillaahi Tawfiiq=
Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999