Hargeisa 25 Jan, 2023Kulan-Hawleed Lagu Soo Bandhigayey Waxqabadkii Wasaaradda H. Maaliyadda Ee Kal-hore {2022} oo Waaxaysan.

Hargeisa 25 Jan, 2023 (WHM). Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} ayaa furay kulan-hawleed hal maalin ah, kaasi oo ay madaxda Waaxaha Wasaaradda H. Maaliyaddu ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii sanadkii dhamaaday ee 2022-ka.

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaana Agaasime-Waaxeedyadda Wasaaradda mid mid uga dhagaystay war-bixinta waxaqabadkii Wasaaradda oo Waaxaysan, kuwaas oo iyaguna dhankooda si qoto-dheer uga warbixiyey waxyaabaha uga qabsoomay qorshayaashii u dajisnaa kal-hore {2022}.

Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa iyagu war-bixinahooda ugu gudbiya Madaxda-sare ee Wasaaradda todobadle, bile, Saddex biloodle iyo si sanadle ahba, iyadoo wasaaradda horumarinta maaliyaddu dabaqaysa qorshaha maamul-wanaaga qaran, waxa si joogta ah masuulkasta loogula xisaabtamaa bartilmaameedyadii loo asteeyey.

Waxaana laga dheehanayey war-bixinta waxqabadka Waaxaha ee kal-hore, in horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda meelmarinta barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hababka casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur-bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha, iyadoo lagu jiro xili adag oo dunida iyo mandaqadaba xaalado adag oo sicir-barar ahi ka jiraan.

Wasaaradda H.Maaliyada JSL ayaa waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay, waxaana dhamaadka sanad kasta lagu sameeyaa qiimayn guud waxa ka fulay.

Ugu danbayna, kulan-hawleedka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay galabnimadan maanta ah {25 Jan, 2023} Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, isaga oo uu masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: [email protected]

☎: 513856

WhatsApp: +252657729999