Hargeisa 30 December, 2023-(WHM)-Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Abaal-Marino Ku Maamuustay 37 Xubnood Oo Ku Soo Baxay Liiska Cashuur-Bixiyaha Wanaagsan Sanadka 2023.

Hargeisa 30 December, 2023 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa abaal-marino ku maamuustay 37 xubnood oo ka kala socday qaybaha iyo heerarka kala duwan ee Cashuur-Bixiyayaasha Dalka, kuwaasii oo sanadkan 2023 loo aqoonsaday inay yihiin cashuur-bixiyayaashii uugu wanaagsanaa.

Munaasabad si heer-sare ah loo agaasimay oo ka qabsoontay magaalada Hargeisa ayaa lagu soo casuumay xubnihii ku soo baxay liiska cashuur-bixiyaha loo aqoonsaday kuwii uugu wanaagsan sanadka 2023. Munaasabadda abaal-marinta Cashuur-Bixiyaha Wanaagsan oo ah sanadle waxa la bilaabay sanadkii 2020-ka, waana doorkii 4-aad oo si xidhiidh ah loo qabto, iyadoo looga golleeyahay si loo maamuuso, loona dhiirigaliyo cashuur-bixiyaha sida buuxda u gutay waajibaadkiisii cashuur-bixineed, waana talaabo ku dayasho u ah guulaystaha beri.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} oo bilawgii munaasabadda ka hadlayey ayaa yidhi “Munaasabadan waxaanu idiinku qabanay inaanu idiinka mahad celino sidaad cashuurta u soo bixiseen, gaarna uuma aha xubnaha caawa halkan lagu abaal-marinayo, balse waa mid aynu si guud uugu mahadcelinayno dhamaan cashuur-bixiyaasha Somaliland, si gaar ahna aynu uugu maamuusayno kuwii uugu sareeyey liiska ee dabaqay ama si buuxda u raacay tilmaamaha Xeerka Dakhliga iyo Siyaasadda Cashuuraha-Berriga”.

Waxaana kalmaddii furitaanka halkaa ka jeediyey Wasiir-Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Sulaymaan Jaamac Diiriye iyada oo ay ka mid ahaayeen hal-muceedkii qudbadiisa “Cashuur bixiyayaasha ugu wanaagsani ma noqon karaan kuwa cashuurta ugu badan laga qaado oo kaliya, balse waxa tihiin kuwii uugu wanaagsanaa dhinacyada hogaansanaanta iyo dabaqaaada Xeerarka Dakhliga sida; cashuurta oo lagu soo bixiyo xiligeedii oo aan lala daahin iyo arimaha kale ee la hal-maala” isaga oo intaa kadibna gudoonsiiyey shahaado-sharafyo loogu talogalay xubnihii guulaystayaasha ahaa.

Soo xulista liiska cashuur-bixiyaha wanaagsan ee sanadka waxa lagu saleeyaa oo loo cuskadaa shuruuddaha iyo miqyaasyada u dejisan Waaxda Cashuuraha-Berriga, kuwaasi oo ay saldhig u yihiin Xeerarka Maaliyadda Dalku, kuwaasi oo kala ah Xeerka Dakhliga Guud Xeer Lr. 72/2016, Xeerka Maamulka Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016, Xeerka Kastamada Xeer Lr. 73/2016 iyo Xeer-Nidaamiyayaashooda, waxaana loo qoondeeyaa gobol kasta tiro u gaar ah.

Ugu danbayn, iyada oo sida aanu kor ku soo xusnay loo raaco xulista liiska guulaystayaasha shuruudo u yaala Wasaaradda gaar ahaan Waaxdeeda Cashuuraha-Berriga, waxana xusid mudan in guulaystayaashu ka kala yimaadaan oo laga soo kala xulo sadexdan qaybood ee kala ah:

  1. Ganacsatada macaash-doonka ah; ha ahaadaan kuwo kali u ganacsada, iskaashato ama shirkaddo iyo wixii la hal-maala, waana qaybta uugu mudan tirada ugu badana laga soo xulo.
  2. Hay’adda aan macaashka samayn is la jeerkaasna aan ahayn dawliga sida: NGO-yada Maxaliga ah iyo Hay’addaha Caalamiga ah.
  3. Iyo Hay’addaha Dawladda sida: Wasaaraddaha, Dawladdaha-hoose iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan.

=Wa Billaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: [email protected]

☎️: 9494

WhatsApp: +252657729999