Hargeisa 07 January, 2024 {WHM} -Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire Oo Shahaado-Sharafyo Gudoonsiiyey Wakiilada Afar Shirkaddood {Cashuur-Bixiye}.

Hargeisa 07 January, 2024 {WHM} – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md . Saleebaan Jaamac Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa shahaado-sharafyo gudoonsiiyey 4 shirkadood oo ka mid ah ganacsatada Dalka. Shirkaddahaas oo ah kuwii uugu horeeyey ee si buuxda u adeegsada Hanaanka Is-wada ee Kastamada (Online Customs Portal System).

Shirkaddahan Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu ku maamuusay shahaado-sharafyada si uu uugu muujiyo sida aanu ka Wasaarad ahaan uula dhacsanahay hirgalinta iyo adeegsiga Hanaankan online-ka ah ee Kastamada Somaliland ayaa kala ahaa:

  1. SALMA GROUP OF COMPANIES
  2. AL IKHWA GENERAL tld
  3. OMINCO GROUP
  4. SAFA GROUP.

Waaxda Kastamada Somaliland ayaa ah Waaxda soo xaraysa dakhliga uugu badan ee Dawladda, Waxaana sanadihii uugu danbeeyey lagu sameeyey dib-u-habayn balaadhan oo la xidhiidha dhinaca adeeg-bixinta Kastamada, iyada oo lagu soo kordhiyey hanaan is-wada, kaasi oo ay ganacsatadu si online-ah uugula bixi karaan badeecaddaha ay ka soo waaridaan debedda iyo kuwa ay ka dhoofinayaan Dalkaba.

Adeegsiga hanaankan cusub ee is-wada oo afka qalaad lagu yidhaahdo Online Customs Portal System waxa uu ganacsatada u madhxin doonaa wakhtigii kaga lumi jiray la bixista badeecaddaha, iyada oo ay ka mahad-sheegteen ilaa hada ganacsatadii adeegsatay, waxa sidoo kale xusid mudan in hanaankan cusubi soo koobayo talaabooyinkii loo mari jiray la bixista allaabooyinka yaala Kastamada.

Ugu danbayn, anaga oo ka duulayna hiigsiga Wasaaradda H. Maaliyadda is la jeerkaasna maanka ku hayna mabaadi’da Barnaamijka Dib-U-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda, waxa ka Wasaarad ahaan naga go’an sidii aanu u casriyeyn lahayn hanaanka adeeg-bixinta Kastamada Dalka iyada oo laga faaiidaysanayo tignoolajiyadda casriga ah.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org/ www.som.slmof.org

📧[email protected]

☎️9494

WhatsApp No: +252-657729999.