Hargrisa 28 May, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Ku Soo Kordhisay Kastamka Madaarka Hargeisa Qaboojiye/Baraf-dhaliye Lagu Hayn Doono Badeecaddaha Kulaylka U Nugul Inta Aanay Ganacsatadu Kastamka Kala Bixin.

Hargrisa 28 May, 2023 {WHM}-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md. Maxamed Xuseen Cismaan [Muadinka] ayaa xadhiga ka jaray qaboojiye/baraf-dhaliye loo soo iibiyey Kastamka Madaarka Hargeisa ee Cigaal, kaasi oo loogu talogalay si loogu kaydiyo badeecaddaha aan u adkaysan karayn inay in badan yaalaan bilaa qaboojiye sida: cuntooyinka qoyan, daawooyinka, khudaarta iyo wixii kale ee la hal-maala.

Qaboojiyahan oo ah mid casriya waxa adeegsan doona ganacsatada wax kala soo degta ama ka dhoofisa Madaarka Hargeisa. Ganacsatadaas oo baahi weyn u qabay qaboojiye ay baddeecadaha noocaas ah ku sii hayaan inta ay dhamaysanayaan hanaanka la bixista alaabooyinka.

Qaboojiyahan oo ah kii uugu horeeyey ee noociisa ah waxa uu wax weyn ka tari doonaa adeeg-bixinta Kastamada, daryeelka iyo raaligalinta macaamiisha [Cashuur-Bixiyaha] waxaanu qayb ka yahay barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda guud ahaan, gaar ahaana hawlaha hore-u-dhigista habsami u socodka Maamulka Kastamada Dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Xuseen Cusmaan {Muadinka} oo hadal ka jeediyey munaasabaddii xadhiga lagaga jarayey qaboojiyahan casriga ah, ayaa sheegay inay tahay talaabo ay ka wasaarad ahaan u qaadeen xaga horumarka iyo baahi inbadan taagnayd oo la daboolay maanta.

Xubno ka mid ah ganacsatada wax kala soo degta Madaarka Hargeisa oo munaasabaddan xadhig ka jarista ah ku sugnaa ayaa iyaguna dhinacooda soo dhaweeyey, iyaga oo aad uugu guuxay agabkan cusub ee ay Wasaaraddu u soo kordhisay, sheegayna inay baahi aad u weyn u qabeen, marka ay timaado kaydinta badeecaddaha aan adkaysiga u lahayn kulaylka.

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta

🌐www.slmof.org/www.som.slmof.org

📧 [email protected]

☎️ 513856

WhatsApp No: +252-657729999.