June 07, 2023 {WHM} -Wafti ka Socda Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Safar Aqoon-Is-Dhaafsi ah Ku Tagay Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Itoobiya.

June 07, 2023 {WHM} – Wefti ka socda Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa 30-kii bishii hore ee May, 2023 safar aqoon-is-waydaarsi ah ku tagay magaalada Addis-Ababa ee Caasimada Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia. Xubnaha waftiga oo is kugu jiray masuuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan Waaxaha Cashuuraha-Berriga iyo Tiknoolajiyadda {IT& FMIS} uuna hogaaminayey Agaasimaha Waaxda C/Berriga Maxamed Ibraahim Batuun waxa ay ujeedada safarkoodu daaranayd sidii ay wax uga soo korodhsanlahaayeen guud ahaan sida uu u shaqeeyo hanaanka maamulka cashuuraha-gudaha Wasaaradda Dakhliga Ethiopia, gaar ahaana cashuuraha dadban ee iibka adeegyada iyo badeecaddaha, cashuurahaasi oo hirgalintoodu dhinaca Somaliland ku cusubtahay.

Wasaaradda Dakhliyada Ethiopia oo bogageeda baraha-bulshada ku baahisay warka ku saabsan safarka waftiga ayaa sheegtay in ay labada dhinac yeesheen ilaa hada kulan-hawleedyo midho-dhal ah, halkaasi oo ay is ku waydaarsadeen wixii waayo aragnimo ay ku kala horeeyaan.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda J. Somaliland ayaa cilaaqaad fiican la leh Wasaaraddaha dhigeeda ah ee Dalalka Qaarada Africa marka ay timaado safarada aqoon-is-dhaafsiga iyo wadaagista waayo-aragnimada hawlaha maamulka maaliyadda.

Waxaana xusid mudan in 8-dii August,2022 ay safar aqoon-korodhsi ku yimaadeen Somaliland wafti sare oo ka socday Jamhuuriyadda Sierra-Leon ee dhacda galbeedka Qaaraddan Africa, waftigaas oo ka koobnaa 33 xubnood is la jeerkaasna uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Sierra-Leon Md. Samuel E. B. Momoh, kuwaas oo is kugu jiray qaybaha kala duwan ee Maaliyadda Dalkaasi. Iyada oo ujeedka safarkoodu ahayd sidii ay wax uga soo baran lahaayeen adeegsiga hanaanka is-wada ee Maaraynta Maamulka Maaliyadda ee IFMIS {Financial Management Information System}, kaasi oo Somaliland lagu majeerto hirgalintiisa maadaama oo uu si fiican uuga dhaqangalay, ayna hada dhamaan Hay’addaha Dawladdu u adeegsadaan bixinta kharashka iyo xarayta dakhligaba.

Wasaaradda H. Maaliyadda Somaliland ayaa dabayaaqadii sanadkii 2021 bilawday adeegsiga iyo hirgalinta mishiinka cashuurta iibka ee adeegyada iyo badeecaddaha si loo helo xisaab-celin cashuureed oo sugan, gaar ahaana iibka ay sameeyaan hudheeladu. Waxa sidoo kale mashruucan hirgalinta cashuurta iibka qayb ka ahaa iibka adeegyada isgaadhsiinta, kuwa korontada iyo iibka alaabooyinka ay warshadduhu soo saaraan ee gudaha Dalka lagu farsameeyey.

Waxaana markii uugu horaysay hudheelada la dhigay mishiinka cashuurta iibka ee loo yaqaano EFD {Electronic Fiscal Device}, mishiinkaas oo soo saara qaansheeg {Invoice} ay la socoto cashuurta ku waajibtay iibka uu sameeyey hudheelku, taas oo xadigeedu yahay 5%, runtii waa mid aad u hooseeya marka loo eego xadiga ay qaadaan wadamo badan oo geeska iyo bariga Africa dhaca. Waxaana wajigii 1aad ee mashruuca laga bilaabay magaalada Hargeisa ee Xarunta Dalka iyada oo wajiyadii xigayna lagu fidiyey hudheelada waaweyn ee ku yaala magaalooyinka kale ee Dalka.

Guntii iyo gunaanadkiina, waxa uu qayb ka yahay safarka waftigan aynu sare ku soo sheegnay ee aqoon-korodhsiga ku jooga Dalka Ethiopia mashruuca hirgalinta cashuurta Iibka Adeegyada iyo Badeecaddaha ee {GST}, gaar ahaana cashuurta ku waajibtay iibka adeegyada isgaadhsiinta, korontada, hudheelada iyo iibka alaabooyinka gudaha Dalka lagu farsameeyo. Mashruucan oo ay dhawaanahaniba si dardarleh u waday Wasaaraddu, waxa si wada jir ah u fuliya Waaxaha Cashuuraha-Berriga, Shuruucda, X/Dadweynaha, IT-GA, Maamulka iyo Lacagta, Baadhista-Gudaha iyo waliba Ciidanka Ilaalada Cashuuraha.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta

🌐www.slmof.org

📧 [email protected]

☎️ 513856

WhatsApp No: + 252-657729999