Wasaaradda H. Maaliyadda JSL oo Markii ugu Horaysay Abaal-Marino Gudoonsiisay Cashuur-Bixiyayaashii Ugu Wanaagsanaa 2020-ka

Hargeisa 9-Sept-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa Markii ugu Horaysay Abaal-Marino Gudoonsiisay Cashuur-Bixiyayaashii Ugu Wanaagsanaa 2020-ka. Munaasibada abaal-marinta oo ka qabsoontay Hotel Maamuus Magaalada Hargeisa, ayaa lagu abaal-mariyey 65 Cashuur-Bixiye oo ka kala yimid guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, iyadoo laga soo kala xulay ganacsatada heerar kooda kala duwan, isla markaana xulistooda loo raacay xeerarka iyo habraacyada u yaala cashuuraha Dawlada JSL.
Munaasibaa Abaal-Marinta Cashuur-Bixiyaha wanaagsan ayaa noqon doonta mid si joogta ah loo qabto sanadkiiba hal mar, sida uu dhigayo qorshaha sanadlaha ah ee W.H.Maaliyadda JSL, Ugu danbayn, talaabadan oo ah mid hore loogu qaaday xaga dhiirigalinta cashuur-bixiyayaayha, oo ah kuwo kaalin muhiima ugu jira guud ahaan qaranka ayaa abaal-marin u noqonaysa Guuleystaayasha Maanta, sidoo kalena dhiiri-galin u noqonaysa guuleystaasha bari.

=Wa Bilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta W.H.Maaliyadda JSL
www.slmof.org , Som.slmof.org
[email protected]
513856