kulan hawleed dib u sixid iyo meelmaarin lagu samaynayo nuqulada Af-somaliga ah

Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa soo qaban-qaabisay kulan hawleed dib u sixid iyo meelmaarin lagu samaynayo nuqulada Af-somaliga ah ee Hagayayaasha iyo siyaasadaha Hannti-dhawrka Gudaha, Nidaamka Maamulka Xogta Maaliyadda (FMIS) iyo Qorshah fulinta Halbeegyada Caalamaiga ah ee Xisaabaadka Dawladda ((IPSAS), November 17, 2020.Wasiir-xigeenka Maaliyadda Muuse Ibrahim Yusuf ayaa furitaankii kulankan waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in Af-Soomaali lagu tarjumo hagayaasha iyo Siyaasadahan – taas oo uu wasiirku sheegay in ay shaqaalaha dawladda u sahleyso in ay si fudud u fahmaan iyo in ay dareemaan lahaanshiyo.Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdi Guxan ayaa ku dhiirigeliyey ka qaybgalayaasha in ay hubin, sixid iyo iswaafajin ku sameeyaan tarjumaadda erey bixinta Af-somaliga ee hagayaasha iyo siyaasadaha la tarjumay.Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo tasarrufka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo hiigsiga 2030.