Dar-Dar Galinta Hawlaha Casriyeynta Xisaab-Xidhka iyo Guud Ahaan Barnaamijka Dib-u-Habaynta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Hargeisa 23-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL waxa ay sanadihii u danbeeyey ku hawlanayd meelmarinta casriyeynta maamulka maaliyadda Dalka guud ahaan, iyada oo la yagleelay xafiis u gaara fulinta hawlahaas, waxa la dajiyey oo la meel-mariyey xeerarkii lagu hagi lahaa barnaamijka, waxa dib loo qaabeeyey qaab-dhismeedyada waaxaha iyo qaybaha Wasaaradda Maaliyadda si ay ula jaan-qaadaan barbaamijkan, waxa la qalabeeyey xafiisyada maamulka iyo lacagta iyo xisaabiyayaasha Wasaaraddaha, Hay’adaha Dawladda iyo Ciidamada qalabka sida, waxaana tababaro la siiyey guud ahaan saraakiisha iyo hawl-wadeenada ku shaqo leh lacagaha. Waxa xusid mudan in maanta guud ahaan Wasaaraddaha, Hay’adaha iyo Ciidamaduba u adeegsadaan hanaan electronic ah oo iswada isticmaalka miisaaniyadda sida; bixinta kharashaadka, xisaab-xidhada, iyo waliba xaraynta dakhliga.
Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda ayaa ka mid ah xafiisyada laf-dhabarta u ah hawlaha uu koobsanayo barnaamijka maamulka maaliyadda Dalku, waxaanu xafiisku markii u horaysay si rasmi ah xisaab-xidhka ku samayn doonaa hanaanka is wada ee maaraynta xogta maaliyadda, taas oo u fududayn doonta Hanti-Dhawraha Guud hawlaha la xidhiidha dabagalka iyo baadhisaha.
Hadaba, si loo dardargaliyo fulinta hawlihii uga qorshaysnaa Xafiiska Xisaabaadka Guud sanadkan gabagabada ah ee 2020-ka hawshan casriyeynta xisaab-xidhka iyo guud ahaan barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka, waxa saaka subixii hore kormeer uu ugu kuur galayo hawlahaas ku tagay xarunta Xafiiska Xisaabaadka Guud Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), halkaas oo uu Xisaabiyaha Guud ee Dawladdu Md. Axmed Daauud Geedi war-bixino ka siiyey halka ay ilaa hada wax u marayaan, Wasiir-Xigeenka iyo Xisaabiyaha Guud ayaa mid-mid ula kulmay madaxda qaybaha Xafiiska, iyada oo uu masuul kastaa ka war-bixiyey wax yaabaha uga qabsoomay hawlihii loo xilsaaray, hawlaha taagan, caqabadaha jira iyo guud ahaan arimaha la xidhiidha shaqooyinka ay u idmanyihiin.
Inkasta oo aynu nahay wadan curdin ah, dhaqaalihiisu koobanyahay, isla jeerkaasna aan wali aqoonsi, iyo taageero dhaqaale oo la sheegi karo ka helin bulshada caalamka, hadana taas macnaheedu maaha inaynu gacmaha laabano, oo aynu ku sii shaqayno hanaankii duuga ahaa ee xisaab xidhka iyo baadhisaha loo samayn jiray, balse taa bedelkeeda waxa inoo qabsoomay oo aynu ilaa hada meelmarinay dejinta iyo fulinta dhabaha casriyeynta maamulka maaliyadda, taas oo la jaan-qaadaysa kuwo laga adeegsado dunidan casriga ah, ugu danbayna ujeedada loo saanyaday hanaankan dib-u-habaynta ayaa daarran sidii kor loogu qaadi lahaa isla xisaabtanka, daah-furnaanta, iyo guud ahaan maamul-wanaaga maaliyadaa Dalka.
=Wabilaahi Tawfiiq=
Waaxda X/Dadweynaha & Xogta Wasaaradda H. Maaliyadda JSL
Website: slmof.org
Email: [email protected]
Whatsapp: +252-657729999
Tell: +2522-513856