kulan-hawleed Lagu Gorfeynayo Meelmarinta Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Habraacyada la is la Waafaqsanyahay ee Qandaraasyada Dowladda.

Hargeisa 20-Feb-2021 (WHM)-Wasaaradda H. Maaliyadda JSL gaar ahaan Xafiiskeeda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda ayaa soo agaasimay kulan-hawleed labo maalmood ah oo lagu gorfeynayo meelmarinta Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Habraacyada la is la waafaqsanyahay ee Qandaraasyada Dowladda.
Kulan-hawleedkani waxa uu daaranyahay in la fahamsiiyo hawl-wadeenda iibka iyo qandaraasyada Dowladda, hannaanka maamulka qandaraasyada, iyada oo la kobcinayo xirfaddooda, si ay u adeegsadaan halbeegyo lagu kalsoonaan karo.
Kasoo-qaybgalayaashu waxay sidoo kale kulankan ku barandoonaan xeerarka hagaya nidaamka maamulka qandaraasyada Dowladda, noocyada qandaraasyada, habraacyada lagu maamulo qandaraas bixinta, habka xallinta cabashooyinka, iyo habraacyada la is la waafaqasanyahay ee qandaraas bixinta Dowladda, iyada oo la waafajinayo mabaa’di’da guud ee ku qeexan xeerka iyo xeer-nidaamiyeyaasha lagu maamulayo qandaraasyada Dowladda