Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Iyo Kulamada Dardar-galinta Gacansiinta Dakhliga Ee Wasaaraddaha Iyo Hay’adaha Madaxbanaan Ee Dawladda.

Hargeisa 23.2.2021 (WHM) – Wasiir-Xigeenka H. Maaliyadda JSL Md. Muuse Ibraahim Salaf oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda cashuuraha Cabdisalaan Maxamed Maxamuud iyo saraakiil kale oo Waaxda Cashuuraha Berriga ah ayaa shalay iyo maanta kulamo kula yeeshay Xafiisyadooda masuuliyiunta sarsare ee Wasaaradaha Isgaadhsiinta, Waxbarashadda, Hawlaha Guud iyo Warfaafinta.Kulamadan ayaa ujeedadoodu daarnayd dardar-galinta gacan-siinta dakhliga, taas oo ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan ee Dawladdu iska kaashan doonaan sidii si wada jir ah looga wada shaqayn lahaa ka midho-dhalinta kutolgalka odoroska miisaaniyada Dawladda ee 2021-ka.Sidoo kale kulamada ay Wasiir ku xigeenka Horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahin Salaf iyo saraakiisha Waaxda cashuuraha berrigu ku gaalaa-bixinayaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ee gacansiinta dakhliga ayaa socon doona ilaa March 18 2021-ka, iyadoo madaxda Wasaaradda Maaliyaddu kulama la yeelan doonaan mudadaasi ku dhawaad 30 wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabanaan ee dawladda iskugu jira

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL. Website: slmof.orgEmail: [email protected] Landline:513856Whatsapp: +252-657729999