Kulan-hawleedka Qiimaynta Waxqabadkii 2021-kii Iyo Bartilmaameedka Dakhli ee Sanadka 2022-ka Ee Waaxaha Dakhliga Wasaaradda H. Maaliyadda JSL.

Hargeisa, March 15, 2022 (W.H.M) – Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa maanta si rasmi ah Hotel Ambassador uga daah-furay kulankii sanadlaha ahaa ee Waaxaha Dakhliga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Iyo Xisaabiya-yaasha gobolada dalka, kaas oo mudo laba maalmood ah halkaasi ka socon doona.

Kulankan oo la iskugu yeedhay dhamaan maamulayaasha Waaxaha Dakhliga ee Cashuuraha-berriga iyo Kastamada iyo sidoo kale Xisaabiya-yaasha gobolada, waxa ujeedkiisu daaranyahay sidii la isula qiimayn lahaa hawl-qabadka sanadkii hore ee 2021-ka iyo sidoo kale bartilmaameedka dakhliga sanadkan cusub ee 2022-ka.

Maamulayaasha Dakhliga ee Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixinta hawl-qabadka xafiiska sanadkii hore iyo qorshaha ku-talo-galka dakhli ee sanadkan, iyada oo gabogabada wajiga kowaad ee kulankana masuuliyiinta sare ee Wasaaraddu u jeediyeen hadalo dardaaran iyo waano isugu jira, is la markaana bogaadiyey kuwa dhaafay bartilmaameedkii uyaalay.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta

?www.slmof.org/www.som.slmof.org?

[email protected]

☎️ 513856Whatsap

No: +252-657729999