Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa u qabatay kulan tabobar iyo wacyigalin/hanuunin is kugu jira (orientation) 65 xubnood oo ka tirsan dufcadii labbaad ee Shaqo Qaran.

Hargeisa 13 March, 2022 (WHM)-Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa u qabatay kulan tabobar iyo wacyigalin/hanuunin is kugu jira (orientation) 65 xubnood oo ka tirsan dufcadii labbaad ee Shaqo Qaran kuwaas oo lagusoo meeleeyey Wasaaradda H. Maaliyadda.

Saraakiisha shaqo-qaran ee ku soo biiray bahda Maaliyadda ayaa sharaxaad guud laga siiyey waajibaadka Wasaaradda gaar ahaana hawlaha ay u idmanyihiin waaxaha kala duwan ee loo qaybiyey, waxa loo tibaaxay xeerarka iyo habraacyada ay Wasaaraddu u raacdo gudashada waajibaadkeeda shaqo, xeerka shaqada iyo shaqaalaha Dawladda iyo arimo kale oo door ah oo la hal-maala hawlaha Wasaaradda H.Maaliyadda.Gunaanadkii munaasabaddana, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa hadalo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey saraakiisha shaqo-qaran qaybtii maaliyadda lagu soo qoray.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta

?www.slmof.org/www.som.slmof.org?

[email protected]

☎️ 513856Whatsap

No: +252-657729999