KULANKA FALANQAYNTA DOORKA AGAASIMAYAASHA MAAMULKA IYO LACAGAHA EE GACAN-SIINTA DAKHLIGA IYO MADHXINTA KHARASHAADKA.

Hargeisa 28-Oct-2020 (W.H.M) – Wasaaradda H.Maaliyadda JSL ayaa soo qabanqaabisay kulan-hawleed lagu falanqaynayey doorka agaasimayaasha maamulka iyo lacagaha Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa-banaan kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeisa, kulan-hawleed kan oo daba socday mid noociisa ah oo loo qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adaha madaxa-banaan ee Dawladda 23-Feb-2020, waxa ay ujeedadiisu daaranayd in laysku baraarujiyo kaalinta masuuliyiintan kaga aadan gacan ka gaysashada kor u qaadista dakhliga iyo madhxinta kharashaadka ay galaan Hay’adaha Dawladdu, waxa sidoo kale lagu Lafo-guray doorka ay ku leeyihiin nidaamka maamulka maaliyadda Dalka, sida diyaarinta miisaaniyadda, ururinta dakhliga, dabagalka iyo isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen hanaanka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dalka.