Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL oo xafiis cusub ka furatay xarunta rugta ganacsiga

Hargeisa 27-Oct-2020 (WH) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire oo uu weheliyo Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md. Muse Ibraahim Yuusuf ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiis ay Wasaaraddu ku yeelan doonto xarunta rugta ganacsiga Somaliland. Ujeedada xafiiskan loo yagleelay ayaa ah sidii ganacsatada loogu soo dhaweyn lahaa adeegyada ay uga baahan yihiin Wasaaradda, waxa xusid mudan inaanu ahayn xafiis lacag-qabasho balse uu yahay xafiis u qaban doona ganacsatada adeegyada ay ka midka yihiin diwaangalinta, xogsiinta iyo adeegyo kale oo doora.