Berbera 09 August, 2023 {WHM}-Kulankii Sanadlaha Ahaa Ee Wada-tashiga Wasaaradda H. Maaliyadda JSL iyo Ururada Bulshadda-Rayidka Ee Ka Talo-bixinta Diyaarinta Miisaaniyadda 2024-ka Oo Doorkan Ka Dhacay Jaamacadda Culuumta-Badda Ee Berbera.

………………………………………………………………………………………………………………….

Berbera 09 August, 2023 {WHM}-Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL ayaa ku qabatay Jaamacada Culuumta-Badda ee magaaladda Berbera kulankii Wada-tashiga Wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo Ururada Bulshadda Rayidka ee eek a talo-bixinta mudnaanaha Miisaaniyadda 2024-ka, kaas oo sanadkii halmar la qabto, isla markaana markii u horaysay meel caasimada Hargeysa ka baxsan lagu qabtay.

Sida uu dhigayo Xeerka Maamulka Maaliyadda Xeer Lr. 75/2016 waxa loo raacaa diyaarinta Miisaaniyadda dawladda jidwal ama kal-tirsi {Budget calendar}, iyadoo sida uu dhigayo Jadwalkaasi kulan lagala yeesho sanadkiiba halmar diyaarinta Miisaaniyadda sanadka danbe   Bulshada Rayidka ah oo iyagu doorkooda ka gaysta   ka talo-bixinta meelaha ay tahay in mudnaanta la siiyo marka la  Odorosayo Miisaaniyadda Dawladda sanadka soo socda.

Munaasabad loo soo agaasimay ayaa lagu soo casuumay in ka badan 100 qof, kuwaas oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah sida Ururada, Jaamacadaha, Ganacsatada, Iskaashatooyinka iyo Daneeyayaasha kale ee arimaha dhaqaalaha iyo Miisaaniyada.

Waxa dhinaca Wasaaradda kulankaas ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Maayirka Degmadda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Cabdillahi {Cali-Case}, Xafiiska Xisaabaadka Guud iyo  xubno ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, iyadoo kulankaasi mudadii uu socday laysku waydaarsaday weydiimo,  afkaaro iyo soo jeedimo dhaxal gal ah, kuwaas oo ka muuqan doona hadii Allaah ogolaado Miisaaniyada sanadka 2024-ka.

Kulanka madaxda sare ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL la yeelato ururada bulshadda rayidka ayaa ka mid ah kulamada mihiimka ah ee lagu dhiirigalinayo isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta.

=Wabilaahi tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta W.H.Maaliyadda JSL

www.slmof.org/Som.slmof.org

[email protected].