Hargeisa July 29, 2023 Kulan-Hawleed Lagu Soo Bandhigayey Waxqabadka Wasaaradda H. Maaliyadda Ee Sadex-Billoodka April-June, 2023 oo Waaxaysan.

Hargeisa July 29, 2023 (WHM) – Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ee sedex-biloodka April-June 2023 ayaa ka qabsoomay Hall-ka Shirarka Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda.

Kulankaas oo sadexdii bilood ee kastaba mar la qabto, ayey ujeedadiisu tahay sidii loo qiimeyn lahaa waxa Waax walba uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, iyada oo Agaasime waaxeedyadda mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku saabsan wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii waaxdiisa mudadaa sadexda bilood ah u yaalay, hawlaha baaqday iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen, iyo sidoo kale caqabaddaha jira ee ka hor yimid.

Kulan-hawleedkaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Amb. Rooda Jaamac Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) Iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxaha  Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, waxa laga dheehanayey war-bixinta waxqabadka Waaxaha ee saddex biloodlaha ah, in horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda meel-marinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda sida; adeegsiga hanaanka casriga ah ee is-wada ee Xogta Maaraynta Maamulka Maaliyadda Dawladda {FMIS}, dardargalinta iyo kor u qaadista cashuurahra gudaha, casriyeynta hawlaha Kastamadda, wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur-bixiyaha, dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-iibsiga iyo dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo shaqadda, kuwaas oo sidoo kale doodo iyo falanqayno badan laga galay intii uu socday kulankaasi.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyada JSL ayaa waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay, waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.

Ugu danbayn, kulan-hawleedka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay galabnimadan maanta ah {29 July, 2023} Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, isaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, xili ay jiraan duruufo caam ah oo aynu la qabno guud ahaan dunida gaar ahaana Gobolkan Geeska Afrika, waxaanu Wasiirku gunaanadkii kulanka kula dardaarmay masuuliyiinta Waaxaha inay sii libinlaabaan dedaalkooda shaqo si looga midho-dhaliyo ku-talo-galka qorshe-hawleedka u yaala sadex-biloodkan hada bilawga ah ee July-September,2023  hadii Rabi ogolaado.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta

🌐: Slmof.org/Som.slmof.org

📧: [email protected]

WhatsApp: +252657729999.