Nuxurka Socdaal Ay Guddida Horumarinta Marin-Ganacsiyeedka Berbera Corridor Ku Tageen Magaalo-Ganacsiyeedka
Tog-Wajaale.

Wajaale, April 8, 2021 (W.H.M) – Guddida Horumarinta ee Marin-ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor) oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay safar shaqo ku tagey magaalo-ganacsiyeedka Tog-wajaale, kaas oo ujeedadiisu daarnayd sidii loo sugi lahaa aaga loogu talogalay dekedda qalalan ee Wajaale (Wajale Dry Port), jidka gaadiidka xamuulka ahi ay ka gelayaan xuduudka Wajaale (By Pass), aaga gaadiidka xamuulka ahi ku nasanayaan(Parking) iyo dhulka loogu talagalay ganacsi-yaraha labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Sidoo kale waxa safarkan wasiirka horumarinta maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo uu soo qaban-qaabiyey xafiiska xidhiidhinta mashruuca Berbera Corridor ee wasaaradad horumarinta maaliyadda ayaa waxa ku wehelinayey wasiir Sacad, wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska md Maxamuud Xasan Sacad Saajin, guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada qaranka, Mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, guddoomiyaha ha’ayadda dhawrista tayadda, xidhiidhiyaha mashruuca marin ganacsiyeedka Berbera, madaxa ha’ayadda trade mark east africa, agaasimaha waaxda siyaasada lacagta ee baanka dhexe iyo masuul sarre oo ka tirsan ciidanka laanta socdaalka.
Iyadoo Guddida Horumarinta ee Marin-Ganacsiyeedka Berbera (Berbera Corridor) ay magaaladda Gebiley ku soo dhaweeyey Badhasaabka gobolka Gabiley, guddoomiyaha degmada Wajaale, maamulaha kastamka Kalabaydh, maamulaha kastamka Wajaale, taliyaha qaybta ee gobolka, taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee degmada Wajaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan laamaha dawladda ee ka hawl gala gobolka.
Dhinaca kale waxa ay guddida marin-ganacsiyadeedka Berbera iyo maamulka gobolka Gabiley isla qaateen in hawlaha taagan ee la xidhiidha marin-ganacsiyeedka Berbera loo saaro guddi farsamo oo ka hawl gala sidii loo dhamaystiri lahaa hawlaha kor ku xusan.

                  =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha & Xogta
Email: [email protected]
Landline: 513856
Whatsapp No: 657729999
Website: slmof.org ama som.slmof.org