Kobcinta Awooda Waxqabadka iyo Xirfadaha Aasaasiga Ah Ee Hanti-Dhawraha Gudaha Hay’adaha Dawladda.

Hargeisa 08 April, 2021 (WHM)- Xafiiska Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa soo agaasimay tabobar saddex-maalmood ah oo kusaabsan kor-u-qaadista hawl-fulinta iyo xirfadaha aasaasiga ah ee hawl-wadeenada hanti-dhawrka gudaha ee ka hawlgala wasaaradaha iyo hay’adaha madaxabannaan ee Dowladda.
Tabobarkan oo soconayey April 06 – 08, 2021, waxa kaqaybgalay 30 hawl-wadeen oo ka kala socday shan Hay’adood.
Ujeedada tabobarkan ayaa ahayd in hanti-dhawrayaasha gudaha la kobciyo aqoontooda lana baro xirfadaha aasaasiga ah iyo habraacyada caalamiga ah ee fulinta baadhista gudaha.

Kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha hanti-dhawrayaasha gudaha ee Dowladdu waa qayb muhiim ah oo kamid ah Barnaamijka Maamulka Maaliyadda Dowladda ee PFM, waxaana looga golleeyahay in maaliyadda Dowladda loo maamulo hannannan ay ku dheehantay daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Ugudambayntiina waxa tabobarkan soo xidhay Wasiir-Xigeenka Horumarinta Maaliyadda Md. Muuse Ibraahim Yusuf isaga oo kula dardaarmay kasoo qaybgalayaasha in wixii ay ka barteen tabobarkan inay ku dabbaqaan shaqo-maalmeedkood, si loo gaadho hiigsiga qaranka ee dib-u-habaynta maamulka maaliyadda Dowladda.

                           =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha lyo Xogta
Website: wwwe.slmof.org ama som.slmof.org
Email: Info@slmof.org
Landline: 513856
Whatsapp No: 0657729999