Salaxley 15 June, 2022 (WHM) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL oo Si Rasmi Ah U Furtay Kastamka Ina-Guuxaa ee Degmada Sallaxley.


Salaxley 15 June, 2022 (WHM)-Munaasabadda furitaanka kastamka Ina-Guuxaa waxa kasoo qayb galay xubno katirsan Golaha Wasiirada xildhibaanada Golaha Wakiilada Guurtida iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Degmooyinka Sallaxley iyo Hargeysa, Madax dhaqameed, Odayaasha iyo wax-garadka deegaanka.

Maamulka degmada Sallaxley iyo qaybaha bulshada deegaanka Ina-Guuxaa ayaa soo dhaweeyay furtitaanka kastamka iyagoo xukuumadda uga mahad celiyay furitaanka kastamka Ina-guuxaa, oo dhaca xuduudka koonfureed ee Gobolka Maroodi-Jeex.

Sidoo kale Wasiirka waxbarashada, Wasiir ku xigeenka ganacsiga,Guddoomiyaha gudida maamul wanaagga, xildhibaano ka kala tirsan Guurtida, Wakiilada iyo deegaanka Hargeysa ayaa bogaadiyay kastamka wasaaradda horumarinta Maaliyadda ka furatay deegaanka xuduudda ah ee Ina-Guuxaa.

Waxaana gabogabadii munaasibadda si rasmi ah xadhiga uga jaray Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo sheegay inay wax kastaaba u dhamaystiran yihiin diyaarna uu kastamku u yahay inuu shaqeeyo.

Ugu danbayn, Kastamkan cusub ee laga furay deegaanka Ina-Guuxaa oo hoos taga Degmada Salaxlay ee Gobolka Maroodi-Jeex, waxa la rajaynayaa inuu wax weyn ku soo kordhin doono dakhliga Dawladda-Dhexe iyo kan Degmada Sallaxleyba, is la jeerkaasna uu gacan-weyn ka gaysan doono hawlaha la dagaalanka maandooriyaha iyo ganacsiga sharci-darada ah, maadaama uu ku yaalo goob muhiima.

Kastamkan cusub oo ku soo beegmay xili baahi weyn loo qabay, ayaa ka hawlgali doona deegaanka baaxadda leh ee ku teedsan xuduuda Somaliland iyo Ethiopia, gaar ahaana jihada koonfureed ee Gobolka Maroodi-Jeex, waana aaga u dhexeeya Kastamada Baligubadle ee G. Hawd iyo Kastamka Dabo-Gorayaale oo ka tirsan G. Daadmadheedh.

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999