Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL oo Bilawday Wajiga 1-aad ee Tabobaro La Xidhiidha Barashada Xirfaddaha Daryeelka Cashuur-Bixiyaha iyo Xidhiidhka-Dadweynaha oo La Siinayo Hawl-Wadeenada Cashuuraha-Berriga.


Hargeisa 18 June,2022 (WHM)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa maanta galinkii danbe hallka shaqaalaha Dawladda tabobar uga furay 30 sarkaal oo ka tirsan Waaxda Cashuuraha-Berriga gaar ahaan Degmada Hargeisa.

Tabobarkan oo socon doona mudo todobaad ah waxa lagu bari doonaa hawl-wadeenada ka qaybgalaya casharo la xidhiidha Daryeelka Cashuur-Bixiyaha iyo Xidhiidhka-Dadweynaha, iyada oo maalintiiba tiro cusub loo qaban doono hadii Rabi ogolaado.

Waxaana wajiyada xiga ee is la tabobarada noocan ah laga qaban doonaa gobolada iyo degmooyinka dalka, iyada oo looga golleeyahay sidii loo heli lahaa hawl-wadeen dakhli oo u laylyan Daryeelka Macmiilka/Cashuur-Bixiyaha, iyo wanaajinta macaamilka bulshada guud ahaan.

Ugu danbayna, kor u qaadista aqoonta iyo wacyiga saraakiisha dakhli-soo-saarka ayaa ka mid ah meelaha mudnaanta sare noo leh ka Wasaarad Maaliyad ahaan sanadkan 2022.

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha iyo Xogta
🌐 www.slmof.org
📧 [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: + 252-657729999