Hargeisa 24 August, 2023 {WHM}-Tabobarada Saraakiisha Maamulka Lacagta Hay’adda Dawladda iyo Ciidamada Qalabka-Sida Ee Diyaarinta Miisaaniyadda 2024-ka.

………………………………………………………………………………………

Hargeisa 24 August, 2023 {WHM}-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} ayaa tabobar usoo xidhay qaybo ka mid ah madaxda maamulka lacagta Hay’addaha Dawladda iyo waliba Ciidamada Qalabka-sida, tabobarka oo socday mudo 3 cisho waxa uu ku saabsanaa adeegsiga hanaanka casriga ah ee is-wada ee Maarynta Xogta Maamulka Maaliyadda Dawladda kaasi oo loo soo gaabiyo FMIS {Somaliland Financial Management System}, waxaana si wada jir ah u bixinayey khubaro ka tirsan Waaxaha Miisaaniyadda iyo IT-ga Wasaaradda H. Maaliyadda.

Habkan casriga ah ee is-wada ayaa hada ah mid si buuxda u hirgalay, iyada oo ay Hay’addaha Dawladdu u adeegsanaa diyaarinta miisaaniyaddahooda, bixinta kharashaadka, xaraynta dakhliga Dawladda, bixinta qanadaraasyada, iibka adeegyada iyo allaabooyinka looga baahanyahay xafiisyada iyo arimo kale oo door ah oo xidhiidh la leh socodsiinta hawlaha. Waxaana sida caadada ah xiligan oo kale lagu laylyaa saraakiisha maamulka lacagaha iyo xisaabiyayaasha si ay uugu soo diyaariyaan miisaaniyadda xafiisyadooda, maadaama oo lagu gudo jiro diyaarinta Miisaaniyadda Dawaladda kal-danbe hadii Rabi ogolaado.

Waxaana intii uu socday tabobarku la is dultaagay mawaadiicda ay ka midka yihiin: diyaarinta madaxyada iyo madax-xigeyaasha miisaaniyadda, mudnaanaha miinsaaniyadda kal-danbe {2024}, hanaanka diyaarinta qoondaynta miisaaniyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha, adeegsiga nidaamka is-wada ee FMIS-ka iyo waliba nidaamka diyaarinta musharooyinka  shaqaalaha iyo ciidamada.

Ugu danbayn, guud ahaan ujeedooyinka looga gollaahaa tabobarkani ayaa ahaa sidan soo socota:

  1. In la helo miisaaniyad dhamaystiran islmarkaana habraacyadeedu waafaqsanyihiin kuwa caalamiga ah.
  2. In wakhtigii loogu talagalay diyaarinta miisaaniyadu ku dhamaato.
  3. In lagu diyaariyo miisaaniyadda nidaamka is-wada ee maaraynta xogta maamulka maaliyadda Dawladda ee {FMIS}.   

=Wabillaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

🌐 Slmof.org/ Som.slmof.org

📧 [email protected]                    

☎ 9494

WhatsApp No: + 252-657729999