Hargeisa September 26, 2023 (W.H.M) –50 Xubnood Oo Ka Tirsan Bahda Garsoorka Somaliland Oo Lagu Tabobaray Hirgalinta Xeerarka Maaliyadda Dalka


…………………………………………………………………………………………….
Hargeisa September 26, 2023 (W.H.M) – Guddoomiyaha Maxkamadda-Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Xeer-illaaliyaha Guud ee Qaranka Md. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa 16-kii September 2023 si wada jir ah tabobar ugu soo xidhay 50 xubnood oo ka tirsan bahda garsoorka Somaliland, kuwaas oo is kugu jiray Guddoomiyeyaal, Garsoorayaal, Ku-Xigeenada Xeer-illaaliyaha Guud ee Qaranka, Saraakiil ka socday Ciidanka Nabadgalyada, Qareenno iyo xubno ka tirsan Guddida Ka Garnaqa Dacwaddaha Cashuuraha Somaliland.