WAR-BIXINTA WAX QABADKA WAAXAHA WASAARADDA H.MAALIYADDA JSL EE LIX-BILOODKA JANUARY-JUNE/2021

Hargeisa 25 July, 2021 (WHM)-Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda iyo guud ahaanba waxa u qabsoomay Wasaaradda lix-biloodka January-June/2021 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in la is la qiimeeyo wixii Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay lixdii bilood ee hore ee sanadkan. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey. Kulan-hawleedka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa masuul kasta laga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha taagan iyo sababaha keenay inay baaqdaan, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii biloodba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican, taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa lixda bilood ah.Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadka u yaala xafiis kasta lixda bilood ee ka hadhay sanadkan 2021. =Wabilaahi Tawfiiq=Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta ?: Slmof.org/Som.slmof.org?: [email protected] ☎️: 513856Whatsapp: +252657729999