Kulan-Hawleed Lagu Qiimaynayey Waxqabadka Waaxaha Dakhliga Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Hargeisa.


Hargeisa 26 July, 2021 (WHM) – Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka lix-biloodka January-June/2021 ee Waaxaha Dakhliga (C/Berriga & Kastamada) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeisa Ambassador Hotel. Kulan-hawleed kan oo ah lix-biloodle is la markaana sanadkiiba laba jeer la qabto waxa ay maamulayaasha Gobolada iyo Degmooyinka Dalku ku soo bandhigaan wax qabadka xafiisyadoodu, taas oo looga golleeyahay in lakala ogaado xafiiska gaadhay Ku-talo-galkii Dakhli ee laga rabay iyo kan aanay u suurtogalin, asbaabaha keenay hoos u dhaca ama kor-u-kaca dakhli, caqabadaha ka hor yimid xafiis kasta iyo iyada oo ugu danbayn mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda iyo maamulayaasha Gobolada iyo Degmooyinku wadaagaan wixii talo iyo tusaalayn ah ee lagu wajahayo lix-biloodka xiga.
War-bixinta masuuliyiinta C/Berriga iyo Kastamada ayaa muujinaysa in dakhliga dhabta ah (Actual) ee soo xarooday lixbiloodkani uu ka sareeyo dakhligii ahaa odoroska (estimate) ku-talo-galka ee Miisaaniyadda, ,taas oo muujinaysa dadaalka iyo juhdiga dheeraadka ah ee ay muujisay Wasaaraddu marka laga hadlayo hawlaha dardargalinta dakhliga oo ah laf-dhabarta waajibaadka Wasaaraddu u idmantahay. Waxa sidoo kale warbixintooda laga dheehan karayey in horumar laxaadleh ay ka sameeyeen xaga dabaqaada halbeegyada dib-u-habaynta maamulka cashuuraha ee u qorshaysnaa lix biloodkan.

Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Dr Saad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Md Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Maxamed Cabdi Gurxan iyo Agaasimayaasha Waaxaha Dakhliga iyo waliba X/Dadweynaha ayaa dhamaantood iska daba maray kalmado mahadnaq ah oo ay u direen hawl-wadeenada iyo maamulka labada Waxood ee Dakhliga, cashuur-bixiyayaasha iyo guud ahaan bulshadu sida hagarla’aanta ah ee ay badanaa uga soo baxaan waajibaadkooda cashuurbixineed. Waxa sidoo kale ka muuqatay war-biximahooda horumarka laga sameeyey dhinaca sal-balaadhnida cashuuraha (Tax base) iyo waliba xaga hogaansanaanta cashuur-bixiyaha (Valuntary Tax Compliance) taas oo micnaheedu yahay inay kordheen tirade cashuur-bixiyayaasha ee iskood u yimid xafiisyada cashuuraha si ay u soo bixiyaan cashuurihii ku waajibay.

Ugu danbayna, waxa xusid mudan in is la shalay 25-kii July/2021 lagu soo gabagabeeyey xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulankii is-la-xisaabtanka iyo qiimaynta 14-ka Waaxood ee Wasaaradda kaas oo ay ka soo baxday natiijo fiican oo laga dheehan karayey horumarka weyn ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhinacayada casriyeynta, iyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda.

        =Wabilaahi Tawfiiq=   

Waaxda Xidhiidhka-Dadweynaha & Xogta

?: Slmof.org/Som.slmof.org
?: [email protected]
☎️: 513856
Whatsapp: +252657729999