Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Daah-furtay adeegga E-DAHAB ee Cashuur-bixinta

Hargeisa 8.2.2021 (W.H.M) – Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire  ayaa 8 bishan February daah-furay munaasibad lagu soo bandhigay adeegga E-Dahab ee cashuur-bixinta, kaas oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland  iyo Shirkadda SOMTEL.

Adeeggan E-Dahab-ka ee cashuur-bixinta oo ah adeeg looga danleeyahay in bulshadda loogu fududeeyo inay si fudud u bixiyaan cashuuraha ku waajibay iyaga oo guryahooda ama goobahooda shaqada jooga.

Sidoo kale wax halkaasi tababaro lagu siiyey qasnajiyada  cashuuraha berriga, kuwaas oo lagu tababaray  System-kaa cusub ee cashuur-bixinta ee addeega  E-Dahab-ka.

Waxaana munaasibadaas kasoo qaybgalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL  Dr Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee wasaaradda ganaciga,  Guddoomiyaha Shirkadda SOMTEL, Agaasimayaasha Cashuuraha berriga iyo xidhiidhka Dadwaynaha, Madaxa suuqgaynta ee Shirkadda SOMTEL iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

warka munaasibadaasi oo muuqaal ah halkan hoose ka daawo:-