Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Furay Kulan-Hawleedka Gorfaynta Iskaashiga maaliyadeed ee dalka guud ahaan, gaar ahaa miisaaniyadda 2021-ka

Hargeisa 9.2.2021 (W.H.M) – Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa 9 bishan February furay kulan hawleed lagu gorfaynayey meelmarinta iskaashiga maaliyadeed ee dalka guud ahaan,  gaar ahaa miisaaniyadda 2021-ka.

Kulank-hawleedkan oo ahaa mid mihiimad wayn u leh horumarinta qaranka, isla markaana ay gadh-wadeen ka ahayd wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ayaa waxa kasoo qaybgalaya dhamaan  guddoomiyeyaasha gobolada, maayirada degmooyinka dalka iyo madaxda sare ee wasaaradda arrimaha gudaha, kaas oo si qoto dheer loogu falanqeeyey meelmarinta iskaashiga maaliyadeed ee JSL.

Waxa madashaasi ka qaybgalay  Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka horumarinta maaliyadda Md Muuse Ibraahin Salaf, Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdi Gurxan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee daakhiliga, Maayirka magaaladda Hargeisa iyo Badhasaabka gobolka Maroodi jeex, kuwaas oo dhamaantood ku dheeraaday  mihiimada uu kulankani u leeyahay gaadhista odoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka.