WAX QABADKA WASAARADDA. H.MAALIYADDA JSL EE SEDEX-BILOODKA JULY-SEPTEMBER 2020.

Hargeisa 21/10/2020 (WHM) Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda sedex-biloodka July-September/2020 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in laysla qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay mudadaa sedexda bilood ah. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan waxa masuul kasta laga warsaday wixii hawlo taagan dhankiisa wali, sababaha keenay hawlaha baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta.Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.Guntii iyo gunaanadkii hawsha waxa hadalo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey masuuliyiinta Waaxaha, Wasiirka, Wasiir-Xigeenka iyo Agaasimaha Guud.