Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL  iyo Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka  ayaa si wada jira maanta xadhiga uga jaray xafiis fududeyn doona adeegyada Buugta gaadiidka iyo Balaydhada luma

Hargeisa 26-Oct-2020 (WHM) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa si wada jira maanta xadhiga uga jaray xafiis fududeyn doona adeegyada Buugta gaadiidka iyo Balaydhada luma, xafiiskan ayaa noqonaya mid lagu qabto adeegyo markii hore laba meelood oo kala fog loo tagi jiray, taas oo ay dadweynuhu culays kala kulmi jireen.Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa ku booriyey cidii uu ka dhacsanyahay Liisanka wadida gaadiidku inay cusboonaysiistaan, iyadoo dhawaana la bilaabi doono olole lagu dardargalinayo cusboonaysiinta liisamada gaadiidka.Waxaana xusid mudan in qofkasta oo laga bedelayo liisankii hore ee buuga ahaa laga kansali doono kaa hore ku cusubna la siin doono iyadoon laga qadayn kiisii hore, maadaama uu yahay dhukumenti qofeed, waxaana sidoo kale loo sheegayaa dadkii laga xareeyey liisamadii hore inay doonan karaan waa qofkii u baahda e.