HAY’ADAHA MADAXA-BANAAN IYO BARNAAMIJKA DIB-U-HABAYNTA MAAMULKA MAALIYADDA DALKA

Hargeisa 28-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda Maaliyadda JSL ayaa kulan-hawleed isugu yeedhay masuuliyiinta Hay’adaha Madaxa-Banaan, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu soo bandhigi lahayd adeegsiga hanaanka iswada ee maaraynta xogta maaliyadda (IFMIS), sumadaha caalamiga ah ee miisaaniyadda (Chart of Accounts), iyo guud ahaan Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda (PFM). Waaxaha IFMIS-ka, Miisaaniyadda iyo Xafiiska Xidhiidhka Barnaamijka PFM ayaa warbixino u jeediyey masuuliyiintii kulanka lagu soo casuumay, iyagoo dhinacadoodana garwaaqsaday waxtarka uu barnaamijkani ku soo kordhin karo habsami u socodka maamulka lacagaha iyo ku takrifalka miisaaniyadda.
Slmof.org
[email protected]