KULAN-HAWLEED LAGU GORFAYNAYO BAADHISAHA LA XIDHIIDHA DANBIYADA WAX IS DABA MARINTA IYO MUSUQA.

Hargeisa 24-Nov-2020 (WHM) Wasaaradda H. Maaliyadda JSL gaar ahaan Waaxda Xidhiidhinta Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda oo kaashanaysa Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ayaa soo qaban-qaabisay Kulan Hawleed ku saabsan hannaanka baadhista dembiyada musuqa iyo wax is daba marinta. Kulan Hawleedkan oo socon doona sedex cisho waxa ka soo qaybgalay 18 hawl-wadeen oo ka kala socday hay’adaha garsoorka oo ay kamidyihiin Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, Waaxda Dembi baadhista (CID) Bileyska iyo Garsoorayaal ka socday Maxkamadaha dalka.
Ujeedada Kulan Hawleedkan ayaa daaranayd sidii Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud iyo hay’adaha garsoorku isula fahmi lahaayeen habka wadashaqaynta ee baadhista dembiyada musuqa iyo wax is daba marinta.

Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda waxa loo qaabeeyey in uu kobciyo awoodda iyo hannaanka Dawladda ee maamulka iyo kutagrifalka maaliyadda, si loo gaadho ulajeedada Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2-aad iyo hiigsiga 2030.

Slmof.org
[email protected]