Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa maanta soo qabanqaabiyey kulankii bilaha ahaa ee Guddida Sarre

Hargeisa 13-Jan-2021 {WHM}-Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa maanta soo qabanqaabiyey kulankii bilaha ahaa ee Guddida Sarre (Joint Steering Corridor Committee) ee Mashruuca Berbera Corridor. Shirkaas oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire waxaa si weyn loogu falanqeeyey qorshe hawleedka Xafiiska Xidhiidhinta Mashruuca Berbera Corridor ee sanadka 2021, Iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay hindisaha xeerka iyo siyaasada lagu maamuli doono xafiiska sanadkan bilawga ah ee 2021-ka, taas oo Gudidan Wadaaga ah looga fadhiyo curinta siyaasada xafiiska ka sokow ansixinta iyo meelmarinteeda.Waxaa kulankaas ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska & Wershadaha, Wasiir-xigeenka Wasaaradda H. Maalyadda, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Hay’ada Dhawrista Tayada, Xidhiidhiyaha Mashruuca Berbera Corridor, Madaxa Hay’ada Trademark East Africa ee Somliland, masuul ka socda Dekedda Berbera, Shirkada DP World iyo saraakiil ka socotay Baanka Dhexe, Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka iyo Wasaaradda Ganacsiga.+7