WAR-BIXINTA WAX QABADKA WASAARADDA. H.MAALIYADDA JSL EE SEDEX-BILOODKII U DANBEEYEY SANADKII TAGAY EE 2020 OCTOBER-DECEMBER.

Hargeisa 17/01/2021 (WHM) Kulan-hawleed lagu soo bandhigayey wixii u qabsoomay Wasaaradda gaar ahaan sedex-biloodka Oct-Dec/2021 ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, kaas oo looga gollahaa bal in la is la qiimeeyo wixii guud ahaan Wasaaradda uga qabsoomay qorshihii u yaalay sanadkii dhamaaday, gaar ahaana sedex-biloodkii u danbeeyey. Masuuliyiinta Waaxaha ayaa mid kasta gaarkiisa looga dhagaystay wixii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, kulan hawleedka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiir-Xigeenka Md. Muuse Ibraahim Yuusuf iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Cabdi Gurxan, waxa masuul kasta laga warsaday wixii uga qabsoomay qorshe-hawleedkii loo xadiday Xafiiskiisa, hawlaha aan u qabsoomin, sababaha keenay kuwa baaqday, caqabadaha ka hor yimid xafiis-kasta, iyo soo jeedimaha uu qabo masuulkasta.
Wasaaradda H.Maaliyada JSL waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijayadda Shanta Sano kuwaas oo ah khariidada ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana sedexdii bilood ba hal mar lagu sameeyaa qiimayn waxa ka fulay.
Hadaba waxa kulan hawleedkan maanta lagu gorfaynayey wax qabadka Waaxaha Wasaaradda kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.

Kulan-hawleed ka oo qaatay saacado badan, waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, isagoo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isagoo kula dardaarmay u diyaargarawga hawlaha baaaxada leh ee masuulkasta horyaala sanadkan bilawga ah ee 2021.

Ugu danbayn, Wasaaradda H. Maaliyadda JSL ayaa caqabad kala kulmaysay sanadkii tagay saamayntii dhaqaale ee uu abuuray caabuqa COVID-19, iyo Ayixii ku habsaday qaybo badan oo ka mida dhulka JSL, kaas oo samayn ba’an u gaystay wax soo saarkii dalaga iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha, isagoo abuuray kharashaad badan oo lama filaan ah. Waxaanay isugaynta labadaas arimood sabab u noqdeen in ay is dhinto ku talo-galkii Miisaaniyadda Dawladda ee 2020.

=Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda X/Dadweynaha iyo Xogta W.H.Maaliyadda
www.slmof.org/Som.slmof.org
Email: [email protected]
Tell: 513856
Whatsapp: +252657729999