04 Dec, 2021 Carwada Ban-Dhiga Wax-Soo-Saarka Warshaddaha Dalka.



Hargeisa 04 Dec, 2021 (WHM) – Waxa maanta Hall-ka Munaasibaddaha Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Hargeisa ka bilaabantay carwo nooceedu inagu cusub yahay taas oo lagu soo bandhigayo badeecaddaha lagu farsameeyo Somaliland gudeheeda kuwaas oo ay soo saaraan warshaddaha Dalku.

Carwadan oo socon doontaa mudo todobaad ah oo ka bilaabmaysa 4ta December ilaa iyo 10ka bisha, waxa farsamo ahaan iyo dhaqaalaha ahaanba si wada jir ah iskaga kaashaday qabsoomideeda Ururka Warshadlayda Dalka, Wasaaraddaha Maalgashiga, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga.

Waxaanay ujeedadu tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa wax soo saarka Warshaddaha Dalka is la markaana loogu dhiirigalin lahaa inay ka door bidaan kuwa laga soo waarido debeddaha.

           =Wabilaahi Tawfiiq=

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Xogta
? www.slmof.org/ www.som.slmof.org
? [email protected]
☎️ 513856
Whatsap No: +252-657729999